Dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maalmihii u dambeeyey ka socday deegaano badan oo hoos-taga gobolka Amxaarada, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Fano.
Ugu yaraan 16 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ayaa la dilay, halka 8 kalena lagu dhaawacay, kadib iska horimaad xoogan oo ka dhacay magaalada Gonder.
Sidoo kale, wararka qaar waxay sheegayaan in saraakiil ka tirsan xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed lagu dilay magaalo hoos timaadda ismaamulka waqooyiga Gonder, sida ay baahisay warbaahinta Ethio News.
Jabhadda Fano ayaa sheegatay in dagaalladaasi ay kusoo furteen hub aad u badan, iyadoo sidoo kale dagaallo kale oo xooggan laga soo tabinayo bartamaha iyo koonfurta magaalada Gonder, halkaas oo ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya ay maalmo kahor ka bilaabeen guluf ciidan oo ballaaran.
Wararka kale ee la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalladaasi ay sabab u noqdeen dib-u-dhac weyn oo ku yimid dadaalladii siyaasadeed ee dowladda federaalku ay ka wadday gobolka Amxaarada, gaar ahaan magaalada Gonder, kadib hawlgal qorshaysan oo ay fulisay Jabhadda Faano, sida ay sheegayaan ilo maxalli ah oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.
Duullimaadyadii shirkadda Ethiopian Airlines ee u kala gooshi jiray deegaannadaasi ayaa la hakiyay, iyadoo sidoo kale ay xirantay waddada isku xirta Gonder iyo Bahir Dar, gaar ahaan labadii maalmood ee u dambeeyey, sababo la xiriira dagaallada sii xoogeysanaya.
Deegaannada waqooyiga Wollo, Laasta iyo Kobo oo dhammaantood ka tirsan gobolka Amxaarada ayaa waxaa ka socda dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kooxaha mucaaradka.
Sidoo kale, dagaallo culus ayaa ka dhacay gobolka Gojjam, halkaas oo la sheegay in saddex maalmood oo xiriir ah lagu dagaallamay ugu yaraan 11 aag oo kala duwan.
Asrest Mare Damtie, oo ka tirsan hoggaanka jabhadda Fano, gaar ahaan garabka AFNF, ayaa sheegay in ay fashiliyeen hawlgallo la doonayay in lagu beegsado hoggaamiyeyaasha Fano ee ku sugan gobolka Gojjam.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askar ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu qabtay dagaallada Gojjam, inkastoo aan weli wax war ah kasoo bixin xukuumadda Abiy Axmed oo ku saabsan sheegashooyinka jabhadda Fano.