Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay si nabad ah kula wareegay gacan-ku-heynta deegaanka istaraatiijiga ah ee Ceel-qooxle ee hoostaga degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadkii ku sugnaa deggaankan ayay wararku sheegayaan in ay kala firxadeen kadib markii ay ka war-heleen guluf xooggan oo kaga soo aaddan dhinaca jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa duleedkan deggaanka Ceel-qooxle ka dhacay dagaallo xooggan oo khasaare culus lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka Gurguurte.
Raayada Tawxiidka ayaa maanta ka babanaysa deggaanka Ceel-qooxle waxaana si buuxda gacanta ugu haya dagaalyahannada Al-Shabaab.
89 askari oo ay ku jireen saraakiil sar sare ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday labadii dagaal ee ugu dambeeyey ee ka dhacay duleedka Ceel-qooxle. Waxaana looga furtay saanad millateri oo fara badan iyo weliba gaari noociisu ahaa NOAH.
Geesta kale iyo gobolka Jubbada Hoose, waxaa shalay ka dhacay dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ay kala hor-tageen maleeshiyaadka Danab oo dhaqdhaqaaq ka waday duleedka Kismaayo.
Dagaalkan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyaadkan Danab oo dusha sare ay ka taageerayaan diyaaradaha Maraykanka ayaa shalay kasoo baxeen Kismaayo, iyagoo u socda dhibaataynta dadka ku dhaqan deggaanka Buulo Xaaji ee duleedka Kismaayo.
Sida ay wararku tibaaxayaan dhirbaaxo kulul ayaa ku dhacday maleeshiyaadka Danab, waxaana gaaray khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dhegta dhiigga loo daray ugu yaraan 6 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Danab, kuwaas oo laba ka mid ah ay saraakiil ahaayeen.
Labada sarkaal oo magacyadooda aanu helnay ayaa kala ah Cabdullaahi Aadan Cabdi Kariim oo ahaa Abaanduule ciidan iyo Higle Maxamed oo ahaa taliyaha Caafimaadka maleeshiyaadka DANAB gaar ahaan qeybta Special Force-ka.
Sidoo kale dagaalkaasi waxaa lagu dhaawacay ugu yaraan 13 askari oo ka tirsanaa isla maleeshiyaadka calooshod-u-shaqaystayaasha Danab ee Maraykanku uu ku adeegto.