Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Caabudwaaq.

Saturday June 28, 2025 - 18:47:08
Liibaan Jeexoow
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay maleeshiyaad ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka Galmudug iyo kuwa deegaanka ayaa maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka oo xiisadda uu ka dhashay ay soo taagnayd labadii bilood ee lasoo dhaafay ayaa qarxay saaka, kaddib markii maleeshiyo dadka deegaanka ah ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Booliiska Riddada ee degmadaasi.

Labada dhinac ee shacabka iyo maleeshiyada Booliska Galmudud ee degmada Caabudwaaq ayaa dagaalka isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkan dhex-maray maleeshiyaadka Galmudug iyo dadka rayidka hubeysan ayaa gallaaftay nolasha saddex xubnood oo ka kooban dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay iyo dad kale oo shacab ah, waxaa jira in sidoo kale ay iska hor’imaadkaasi ku dhaawacmeen ilaa siddeed xubnood oo kale.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in dagaalka uu salka ku hayo muran la xiriira dhismaha saldhigga Booliiska degmada Caabudwaaq, dadka deegaanka ee weerarka qaaday ayaa ka biya diidanaa labadii bilood ee lasoo dhaafay in albaabka saldhiggaasi laga sameeyo meel ay ku yaallaan xarumo ganacsi.

Caabudwaaq waxay ka mid tahay degmooyinka gobolka Galgaduud ee uu ka arrimiyo maamul goboleedka Galmudug, waxay horay dhowr jeer sidan oo kale u u martigelisay iska hor’imaadyo dhexmaray dadka deegaanka iyo maleeshiyada maamulkaasi.

Related Items

Update cookies preferences