Hawada dalalka Khaliijka iyo Ciraaq oo haawanaysa.

Monday June 23, 2025 - 21:54:59
Liibaan Jeexoow
Dalalka Qadar, Baxrayn, Immaaraatka, Kuweyd iyo Ciraaq ayaa si kumeel gaar ah u hakiyey duullimaadyadii diyaaradaha ka dib xaaladda weerarka gantaalaha ah dalka Iiraan uu ku ekeeyay saldhigyo Mareykanku ku leeyahay Qadar iyo Ciraaq.
Wasaaradda Gaadiidka Ciraaq ayaa Telefushanka Al Jazeera u sheegtay in ay hakisay duullimaadyadii ama ay xiratey hawada si kumeel gaar ah.

Sidoo kale Wakaaladda Wararka Kuweyd ee KUNA ayaa sidoo kale tabisay in Kuweyd ay xirtay hawadeeda illaa amar dambe.

War ka soo baxay Hay’adda Duulista Kuweyd oo lagu baahiyey barta X ayaa lagu yiri "annaga oo isha ku hayna xaaladda mandiqadda waxaanu hakinnay duullimaadyadii ka baxayey Kuweyd illaa inta xaaladdu degayso”

Xaaladda Bartamaha Dunida oo loogu yeero "Bariga Dhexe” ayaa ka sii daraysa tan iyo intii Yuhuuddu dagaalka ku qaadeen Iiraan.

Related Items

Update cookies preferences