Maxaad ka ogtahay marinka istaraatijiga ah ee Hormuz? [WARBIXIN]

Monday June 23, 2025 - 11:37:29
Liibaan Jeexoow
Intii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Sahaayinada Yuhuudda ah iyo dalka Iiraan waxa isa soo tarayey xaaladda dhaqaale ee uu keeni karo dagaalkaasi.
Kaddib sagaal maalmood oo ay socotay weerraro gantaalo ah oo dhinacyadu isweydaarsanayeen waxa si toos ah maalintii 10aad dagaalka u soo galey dalka Mareykanka oo hiil u ah maamulka Yuhuudda ee la daciifiyey.

Mareykanku wuxu duqeeyay saddex goobood oo lagu farsameyn jirey Nukliyeerka balse ay Iiraan ka guratey dhammaan walxihii iyo agabkii lagu farsamayn jirey hubka nawawiga ah sida gadaal laga ogaadey. 

Goobaha la duqeeyay waa Fordow, Natanz iyo Asfahaan wershado ku yaallay. Haddaba dhacdadaa ka dib waxa isa soo taraya xiritaanka Iiraan ee ay ku gooddinayso Marinka Hormuz in ay oodda u jiiddo.

Muxuu yahay marinka Hormuz ee istaraatejiga ahi? Hormuz waa mid kamida marinnada istaraatejiga ah ee ugu ciriirisan adduunka kaas oo ay isaga gooshaan maraakiibta gaaska, shidaalka iyo mararka qaar ganacsiyo kale. 

Wuxu ka bilaabmaa Badda Carabta(Baxrul Carab) isla markaana wuxu juquraafi ahaan dhexeeyaa dalalka Iiraan iyo sandalladda Cummaan iyo waliba UAE oo dhinaca ku haysa. Dhererkiisu waxa uu gaaraa 155km halka ballaciisa meesha ugu yari tahay 34km.

Goobtan oo muhiimmad weyn leh waxa lagu tilmaamaa in wax ku dhow 20% gaaska adduunku marinkaas maro taas oo u dhiganta in 20milyan oo foosto maalin walba ka gudbaan. 

Marinkan badeecadaha shidaal ka gudba waxa loo sii gudbiyaa suuqyada tamarta Aasiya sida, Shiinaha, Hindiya, Koonfurta Kuuriya iyo Singapore.

Sida maanta oo kale waxa walaac laga muujiyey marinku in uu qalqal galo xilligii dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee socday 1980 ilaa 1988. Waagaas waxa bilaabmay wixii loo bixiyey "Xarbun-Naaqilaat” ee lagu beegsan jirey gaadiidka badda ee sida gaaska. Tani waxay hoos u dhac ku keentay suuqayada Bariga Dhexe iyo caalamkaba. 

Maantana waxa la rumaysan yahay in haddii sida Iiraan ku gooddinayso ay xirto marinkaas in xaaladda dhaqaale gaar ahaan shidaalka oo aad loogu tiirsan yahay la wajihi doono.

Related Items

Update cookies preferences