Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ahi ay baahisay safarrada uu ku tagey dalalka dibedda iyo sidii ay kala ahaayeen.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ahi ay baahisay safarrada uu ku tagey dalalka dibedda iyo sidii ay kala ahaayeen.
Warbixin uu diyaariyey wariye lagu magacaabo Abdijaliil Osman oo madax bannaan ayaa qorey in isugeyn safarrada Xasan Sheekh muddadii uu xilka hayey ay yihiin 110 safar.
Safarrada Xasan ayaa qaarkood qaateen 7 cisho halka qaarkoodna ay qaateen 40 saac. Celcelis ahaan haddii lagu soo koobo safarrada Xasan 4maalmood waxay ay noqonayaan 440 maalmood taas oo u dhiganta sannad iyo 3 bilood.
Xasan oo xilka Federaalka haya 3sano ayaa sannad kamid ah ku qaatay dibedda taas oo nusqaan weyn ku ah dowladnimada.
Halkan hoose ka akhri 28-ka dal ee uu booqday iyo inta jeer ee uu qaarkood ku noqnoqday.
1. Uganda – 13 jeer
2. Djibouti – 11 jeer
3. Kenya – 10 jeer
4. Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) – 9 jeer
5. Eritrea – 8 jeer
6. Tanzania – 8 jeer
7. Ethiopia – 7 jeer
8. Turkey – 7 jeer
9. Qatar – 5 jeer
10. Masar (Egypt) – 5 jeer
11. Sacuudi Carabiya – 4 jeer
12. Maraykanka (USA) – 4 jeer
13. Italy – 3 jeer
14. UK – 2 jeer
15. Switzerland – 2 jeer
16. Burundi – 2 jeer
17. Belgium, Azerbaijan, Algeria, Kuwait, Norway, Rwanda, Germany, Sudan, Libya, Iraq, China – min 1 jeer