Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda maamulka gooni-goosadka Somaliland C/Raxmaan Daahir Aadan ayaa booqasho qaadatay muddo dhowr cisho ah ku tagay magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis Ababa.
Booqashadan oo bilaabantay Khamiistii lasoo dhaafay socotayna ilaa Axaddii shalay ayaa lagu soo warramayaa in weftigan ka socday ashahaado-la-dirirka Somaliland ay muddadaasi kulano fool-ka-fool ah la yeesheen madaxda dowladda Xabashida Itoobiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa qaabilay weftigan ka socday Somaliland, waxaana sida warbaahinta loosoo bandhigay kulankaasi looga hadlay wax ay ku sheegeen kor u qaadista iskaashiga xiriirka diblomaasiyadeed iyo derisnimo ee ka dhexeeya labada dhinac.
Weftigan oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa wasiirka oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa sheegay in safarkoodii Itoobiya uu guul ugu soo idlaaday, si wacanna loogu qaabilay dalkaasi, isla markaana uu ka sido bushaarooyin badan.
"Ummadda Somaliland waxaan u sheegayaa in ujeedooyinkii safarkayagu ay dhammaantood noo soo fuleen...waxaanan ugu bushaaraynayaa in xiriirka innaga iyo Itoobiya uu sidii hore iyo si kasii fiican yahay, farxad iyo wanaag badanna ay soo socdaan…” Ayuu yiri C/Raxman Dahir.
Wasiirka ayaa la filayaa in bisha soo socota uu booqashooyin rasmiya oo ictiraaf-raadis ah ugu kala bixi doono dalalka dhaca galbeedka qaaradda Afrika, sida uu dhawaan baahiyey Wargeyska The Times Of Israel oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer Yahuudda.