59 askar iyo saraakiil isugu jira oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkii saaka ee Bur-jeed + SAWIRRO.

Monday June 23, 2025 - 22:36:09
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka Laftagareen kasoo gaaray weerarkii cag-marinta ahaa ee dagaalyahannada Al-Shabaab ay saaka kula wareegeen labo fadhiisin oo ku yaallay deggaanka Bur-jeed ee hoos-taga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Weerarkani intii uu socday ayaa sidoo kale Kolonyo maleeshiyaad gurmad ah oo kasoo baxay magaalada Baydhabo loo dhigay Kamiin, waxaana haraadigoodii iyagoo khasaare culus xambaarsan ay dib ugu firxadeen magaalada Baydhabo.

Xogihii u dambeeyey ee aanu helnay ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan 23 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ku jiray saraakiil ciidan.

Sidoo kale weerarkan waxaa lagu dhaawacay 36 askari oo iyagana ay ku jireen rag saraakiil ah. Waxaana jira tiro maxaabiis ah oo gacanta lagu dhigay iyo weliba saanad millateri iyo agab kale oo jihaadiyiintu ay dagaalkaasi kusoo furteen.

Magacyada qaar ka mida askartii iyo saraakiishii dhegta dhiigga loo daray ayaa kala ah: Miris Isxaaq Baraar oo ahaa Taliye ku xigeenkii Taraafikada gobalka Baay, Maxamed Leesi oo ahaa sarkaal Xidigle ah, Nuurow Shiimow oo ahaa Sarkaal Kabtan ah.

Sidoo kale waxaanu helnay magaca iyo darajada mid ka mida saraakiishii lagu dhaawacay weerarkan, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyey Iimaan, isla markaana la sheegay inuu ahaa sarkaal Xidigle ah.

Sawirrada qaar ka mida askartii lagu feentay dagaalkan oonu horey idiinku soo gudbinay, ayaa haddana aanu soo helnay qaar kale oo ka mida askartaasi saaka lagu diirtay deggaalkan.

Related Items

Update cookies preferences