Madaxweynaha Iiraan Mascuud Beseshkiyaan ayaa sheegay in dalkiisu aanu u socon burburin halka Yuhuuddu doonayaan in ay baabiiyaan dalalka Muslimiinta.
Warmurtiyeed ay soo saartey Wakaaladda Wararka Iiraan subaxninada saaka oo Isniin ah waxa uu madaxweynahoodu ka dhawaajiyey in aanay u socon helidda hubka waxgumaada ee Nuclear-ka, taas oo sida uu sheegay ka turjumaysa aragtida hoggaamiyahooda sare.
Waxa kale oo uu intaa raaciyey in dhankooda aanay ka bixin wadahadalladii u socday iyaga iyo Mareykanka balse ay rabaan xaqooda qaanuuniga ah.
Beseshkiyaan waxa uu ugu baaqay shacabkiisa in ay u samraan dhibaatooyinka dhanka kale waxa uu xusay in ay awooddooda ku meel marayaan.
Mascuud ayaa dhaliil u jeediyay dalka Mareykanka kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay sharciga duwaliga ah baalmareen isla markaana Israel ku taageereen xadgudubkooda.
Maamulka Yuhuudda ee uu horjoogaha ka yahay Netanyahu ayaa nuskii dambe ee habeenkii Jumcada weerar gantaalo ah ku ekeeyay Iran kaas oo lagu dilay taliyeyaal sare, tan ayaa keentay in xaaladda labada dal ka sii darto maalmihii ugu dambeeyay.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: