Xilli hoggaamiyaasha xukuumadaha dabadhilifyada Khaliijka dhulka jaziiradda Carabta qaab tamashle ah ugusoo dhoweynayaan mujrimiinta madaxda ka ah dalka Mareykanka ayay sahaayinadu xasuuqii ugu xumaa ka geysteen magaalada Qaza.
Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ayaa sheegaya in boqolaal qof muslimiin ah ay shuhaddo iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo bahalnimo leh oo ay geysteen ciidamada cirka Yahuudda.
Duqeymaha oo ahaa kuwa aan kala joogsi laheyn ayaa gallaaftay nolosha 100 ruux halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegaya in dadka shahiiday ay ubadanyihiin haween iyo carruur ku sugnaa xeryaha barakacayaasha.
Sidoo kale Yahuudda ayaa duqeysay dhowr isbitaal arrinkaas oo sababay in ay shahiidaan bukaanno dhaawacyo qabay oo isbitaallada jiifay.
Iyadoo sidaas loo xasuuqayo shacabka muslimiinta reer Qaza ayuu hoggaamiyaha Mareykanka Mujrim Trump wuxuu sii wadaan socdaalkiisa tamashleynta iyo dhaqaale aruursiga ah ee uu ku joogo mandiqadda loo yaqaan Khaliijka Carabta.
Trump oo maalmaha ku sugnaa wadamada Sacuudiga iyo Qadar ayaa maanta tagay magaalada Abu Dubai ee Imaaraatka Carabta.
Socdaalkan oo noqonaya midkii ugu horreeyay oo madaxweyne American ah uu ku tago dalka Imaaraatka muddo 17 sano gudahood ah ayaa daaran in hoggaamiyaasha Imaaraatka ay lacago ballaayiin Dollar ah ku xareeyaan qasnadda Mareykanka.
Maxamed Bin Zaayad oo ah xaakimka dabadhilifka ah ee Imaaraatka Carabta ayaa si fool xun Trump ugusoo dhoweeyay, warbaahinta ku hadasha afka Imaaraatka ayaa lagasii daayay muuqaallo muujinayay Bin Zaayad oo dumar qaa-qaawan saf usoo gelinaya Trump si uu ugusoo dhoweeyay.
Trump ayaa dalalka Sacuudiga iyo Qadar kalasoo laabtay lacago boqolaal Bilyan oo Dollar ah waxaana lafilayaa in Imaaraatka uu ka helo lacag taas ku dhow ama ka badan.
Kumanaan muslimiin ah oo arrintan uga warceliyay baraha bulshada ayaa ku tilmaamay mid lagu ihaanaynayo dumarka muslimiinta,dadka ayaa sheegaya in dhaqanka madaxda imaaraatka Carabta uu yahay mid gaalada lagasoo minguuriyay ujeedkuna uu yahay in lagu burburiyo akhlaaqda muslimiinta.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Telegram-yadan: