Waxaa sii kordhay khasaaraha maleeshiyaadka Gurguurte kasoo gaaray dagaal maanta ka dhacay duleedka deggaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-haynta talis ciidan oo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ku lahaayeen nawaaxiga deggaanka Mooro-erri ee duleedka Moqokori.
Sida ay tibaaxayaan xogihii ugu dambeeyey ugu yaraan 8 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu dilay dagaalkan halka 12 kalena lagu dhaawacay.
Magacyada qaar ka mida askarta la laayay oo aanu helnay ayaa waxaa ka mida Cabdullaahi Cali Shiilow, Muuse Gadiid Cadow, Cali Cusmaan Xasan (Xuurshow), Cusmaan Xuseen Xareed iyo Cabdullaahi Xuseen Sanweyne.
Sidoo kale askartii lagu dhaawacay weerarkan waxaa ka mida Maxamed Sanweyne oo sida la xaqiijiyey ah sarkaal ka tirsan sirdoonka kooxda Villa Somaliya.
Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli maleeshiyaadka uu Gurguurte xaabada ka dhigtay ay si ba’an ugu le’deen dagaalladii muddooyinkii dambe ka dhacaayay gobolka Hiiraan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: