Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa saaka dagaal kula wareegay xero ciidan oo maleeshiyaadka Gurguurte ay ku lahaayeen duleedka deggaanka Ceel-qooxle ee degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sida ay wararku tibaaxayaan waxaa jira khasaare xooggan oo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya lagu gaarsiiyey dagaalkaasi, oo si ba'an cagta loo mariyey.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 31 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, kuwaas oo maydadkooda looga cararay isla goobta dagaalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale dagaalkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 20 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka saaka cagta la mariyay, waxaanay xoogagga Al-Shabaab kusoo furteen dagaalkaasi 4 qori oo AK47 ah, iyo 1 qori BKM ah.
Wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha la socda insah Allaah...