Hawl-gallo khasaare geystay oo ka kala dhacay Mandheera, Gedo iyo Shabeellaha hoose.

Friday June 20, 2025 - 14:59:54
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa sheegaya hawl-gal qorshaysan oo dagaalyahannada Al-Shabaab ka fuliyeen deggaanka Shimbir Faadumo oo hoos-taga degmada Ceel-qaalow ee gobolka Mandheera.
Sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkan ay xoogagga Al-Shabaab ku khaarajiyeen laba xubnood oo Kenyaati kiristan ah.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay saaka weerar qarax ah ku beegsadeen xarunta maleeshiyaadka sirdoonka kooxda Villa Somaliya ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Geesta kale iyo gobolka Shabeellaha hoose waxaa isna maalinimadii shalay ay jihaadiyiintu madaafiic ku garaaceen maleeshiyaad ku sugan duleedka degmada Afgooye.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in duqayntaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka 16 kalena lagu dhaawacmeen.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences