Taliye-xigeenka ciidamada Uganda oo ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya uga digay dhirbaaxadii Buulo-mareer oo kale.

Wednesday May 28, 2025 - 13:50:39
Liibaan Jeexoow
Gen. Sam Okiding oo ah taliye ku xigeenka ciidanka dowlada Uganda ayaa fariin digniin ah u diray ciidanka ka socda Uganda ee qeybta ka ah isbihaysiga Afrikaanta AUSSOM xili ay labo sano kasoo wareegtay weerarkii Buula-mareer.
Sargaalkaan oo booqasho todobaad qaadatay ku yimid Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay saldhigyada ciidankiisu ay kaga sugan yihiin magaalada Mugdisho iyo gobolka Shabeellada hoose.

Okiding waxa uu ku baaqay in looga baahanyahay in askartiisa iyo saraakiishooda ay mujiyaan feejignaan ayna duruus ka qaataan casharadii ay horay u soo barteen.

"Waa inaad feejignaantaan mar walba, waxaad u baahan tahay inaad mar walba qaadato go'aanno waqti ku habboon. Waxaan ku boorrinayaa taliyeyaasha inay ku dhaqmaan casharrada howlgalladii hore si loo qaato go'aamada saxda ah iyo waqtiga saxda ah” ayuu yiri Gen. Sam Okiding.

Sidookale taliye ku xigeenka ciidana Uganda ayaa uga digay saraakiishiisa in ay musuqmaasuqaan mushaaraadka loogu talagalay ciiamada Afrikaanta ee dulalanka ku jooga Soomaaliya sidii ay horey u sameeyeen taliyaal ciidan oo ka tirsan UPDF.

Gen. Sam Okiding oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri "Waxaan ka digayaa musuqmaasuqa iyo ku takrifalka agabka howlgalka, askartu waa inay helaan xuquuqdooda".

Wargeyska The Independent Uganda ayaa sheegay booqashada sarkaalkani ay sidoo kale kusoo aadayso xilli Al-Shabaab ay guulo ka gaarayaan dib u qabsashada goobo ay horay u joogeen ciidamada Uganda iyo kuwa kale ee shisheeye.

Hadalka sarkaalkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo dowladd Uganda ay xusayso labo sano guuradii kasoo wareegatay xasuuqii 26-kii may 2023 askarteeda loogu geestay magaalada Buula-Mareer ee gobolka Shabeellada hoose.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:





Related Items

Update cookies preferences