Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa gebidhaclayn siyaasadeed iyo mid amni oo helis gelinaysa jiritaankeeda xilli uu gabaabsi yahay mudda xileedka Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dowladaha shisheeye ee faragelinta ku haya Soomaaliya ayaa kala jiidanayaan xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho,dowladaha Turkiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa isku hardinaya gacan ku dhigidda awoodda siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha Turkiga ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku amray in uu xiriirka ujaro dowladda Imaaraatka ama uu ugu yaraan hoos udhigo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga kala dhaxeeya.
Wararku waxay sheegayaan in Turkigu uu hakiyay taageero amni oo uu siin lahaan DF-ka wuxuuna shardi uga dhigay in marka hore Villa Somalia ay ka laabato dhammaan heshiisyadii ay horay ulagashay xukuumadda Abu Dubai.
Sidaas si lamid ah Max'med Bin Zaayid ayaa ku cadaadinaya Xasan Gurguurte in uu ka fasaqdo heshiiskii shidaal baarista ee uu lagalay Turkiga, Imaaraadku waxay DF-ka ugu goodinayan in ay lacagaha mushaaraadka ah ka jaran doonaan kumanaan kun oo askari soomaali ah haddii aan Turkiga laga joojin heshiiskii soo saarka shidaalka.
Xukuumadda dabadhilifka ah ee ka jirta Soomaaliya ayey haysataa laba daran mid dooro, waxaana xusid mudan in Turkiga iyo Imaaraatka ay gacanta ku hayaan qeyb kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya waxaana kamid ah dekadaha iyo garoomada diyaaradaha caalamiga ah.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: