Waxaa soo baxaya faahfaahinta laga helayo dagaalladii maanta ka dhacay duleedka degmad Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkan oo tiraba dhowr jeer lagu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte uu xaabada ka dhigtay, ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in tira-koobka horu-dhaca ah uu tilmaamayo ugu yaraan 3 askari oo dhimasho ah iyo 34 kale oo dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah uu gaari la rogmaday, xilli ay ku gudo-jireen daad-guraynta dhaawacyada.
Dagaalladan maanta dhacay iyo dagaalladii ka horreeyey ee usbuucan gudihiisa ayaa dhimashada iyo dhaawaca maleeshiyaadku ay ku dhowdahay 400 (Afar Boqol) oo askari.
M/weyne-xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Daba-geed oo illinta ceshan kari waayay ayaa qiray in dhimashada maleeshiyaadku ay tiro-beel noqotay, mar uu maanta ka qayb-galay aaska taliye Xujaale oo ka mid ahaa saraakiishii lagu feentay dagaalladan.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale ka dhacay hawl-gal qarax ah oo maanta ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku beegsadeen goob ay fadhiyeen maleeshiyaadka Gurguurte.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxan oo si gaar ah uga dhacay degmada Qoryooley uu galaaftay nolosha 1 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii la weeraray iyo dhaawaca 3 kale.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: