HIIRAAN: Al-Shabaab oo la wareegtay deggaanno hor leh iyo khasaaraha weerarkii Ceel-qooxlo oo sii kordhay.

Wednesday June 25, 2025 - 18:00:44
Liibaan Jeexoow
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in galabta ay dagaal kula wareegeen deggaanno dhowr ah oo hoos-taga deggaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya oo la kulmay dhirbaaxo kulul ayaa la sheegaya in ay isaga firxadeen deggaanno ay ka mid yihiin Abdhaare, Cosable-hute iyo Dirow-waa.

Dhammaan deggaannadaasi waxaa si buuxda gacan-ku-heyntooda ula wareegay xoogagga Al-Shabaab waxaana ka babanaaya Raayada Tawxiidka.

Geesta kale waxaa sii kordhaya khasaaraha maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey weerar cag-marin ah oo jihaadiyiintu ay ku beegsadeen xero ku taallay duleedka deggaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in khasaaraha horu-dhaca ah ee ilaa haatan la xaqiijiyey ay yihiin dhimashada 10 askari iyo dhaawaca 7 kale.

Magacyada qaar ka mida maleeshiyaadka dhegta dhiigga loo daray ayaa kala ah Abuukar Cusmaan Xaalle, Gaabow Cabdullaahi Cilmi oo ahaa sarkaal, Yuusuf Barqadle Xuurshow (Gololey), Cumar Muumin Sanqoolle, Muuse Cabdi Makaraan Ciydheere iyo Shariif Geelle Axmed Garaad.

Sidoo kale maleeshiyaadka dagaalkaasi lagu dhaawacay waxaa ka mida Muuse Cali Xaalle Waasuge (Naliye), Xusseen Biyow Guurre (Cali Rarte), iyo Cabdulle Jimcaalle Junbur (Jarjar).

Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay dagaalkan kula wareegeen saanad millateri oo ay ka mid ahayd 4 qori oo RPG ah, 1 qori PKM ah, 5 qori AK47 ah, gaari Nooha ah.

FG: Si aad u hesho wararka deg-degga ah ee SOMALIMEMO kusoo biir:
https://t.me/+r5gkTcYhkgpiM2E0

Related Items

Update cookies preferences