FAAH-FAAHIN: Al-Shabaab oo cagta marisay maleeshiyaadkii Ceel-qooxle + Qarax lagu gubay gaari Cabdi Bile ah.

Wednesday June 25, 2025 - 16:28:40
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay cagta mariyeen xeryo ay maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya ku lahaayeen duleedka deggaanka Ceel-qooxle ee duleedka degmad Moqokori.
Hawl-galkan ayay wararku tibaaxayaan in lagu khaarajiyey ugu yaraan 9 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka 5 kalena lagu dhaawacay.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in jihaadiyiintu ay dagaalkaasi kusoo furteen saanad millateri oo ay ka mid ahayd 2 qori oo RPG ah, qori PKM ah, dhowr qori oo AK47 ah iyo gaari Nooha ah.

Magacyada maleeshiyaadka lagu laayay dagaalkan oo qaarkood aanu helnay ayaa waxaa ka mida Gaabow Cabdullaahi Cilmi iyo Abuukar Cusmaan Xaalle.

Sidoo kale Muuse Cali Xaalle Waasuge (Muuse Naliye) oo ah sarkaal, ayay wararku sheegayaan in uu soo gaaray dhaawac garaab ah.

Gobolka Shabeellaha dhexe, warar goor dhawayd naga soo gaaray ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu ay ku gubeen baabuur Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen askar ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.

Sida ay wararku tibaaxayaan baabuurkan ayaa lagu beegsaday isaga oo maraaya duleedka degmadda Cadale, waxaana qaraxaasi ku naf-waayay 2 askari, halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

FG: Si aad u hesho wararka deg-degga ah ee SOMALIMEMO kusoo biir:
https://t.me/+r5gkTcYhkgpiM2E0

Related Items

Update cookies preferences