Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha degmada Balad Xaawo.
Qaraxan ayay wararku sheegayaan in bartilmaameedkiisu ahaa maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, gaar ahaan jawaasiista Nisa.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi uu geystay dhaawaca 2 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii la weeraray.