Waxaa faahfaahin dheeraad ah kasoo baxday weerar maanta ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku beegsadeen maleeshiyaadka Gurguurte oo ka dhacay duleedka Tardo oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Weerarkan ayaa lagu dilay ugu yaran 6 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, halka 6 kalena lagu dhaawacay, sida ilo-wareedyo aanu helnay ay xaqiijiyeen.
Magacyada qaar ka mida askarta la laayay oo aanu helnay ayaa kala ah Muuse Maxamed Gees, Maxamuud (Qoor-qalooc), Xasan Waasuge Beyr iyo Abshir Garaad Xasan Jiis.
Xogtu wax waxay intaasi ku dartay in uu jiro hal qori oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ay kusoo furteen weerarkaasi.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: