Iska hor'imaad ballaaran ayaa maanta bartamaha caasimadda Nayroobi ee dalka Kenya ku dhex-maray dadweyne mudaharaadayay iyo kooxo abaabulun oo boqollaal ah oo la aaminsan yahay inay dowladda daacad u yihiin.
Dadweynaha bannaan-baxayay ayaa lagu soo warramayaa inay ka gadoodeen tacaddiyada xarkaha goostay ee ciidanka Booliska, gaar ahaan kiiska nin dhalinyaro ah oo dhawaan ciidanka boolisku ay ku dhex dileen saldhig ku yaal bartamaha magaalada Nairobi.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in uu dhintay hal qof kadib markii kooxahan abaabulani ay si xun u garaaceen dadweynihii bannaan-baxa dhigayay.
Wariye ka tirsan wakaalada wararka ee Reuters ayaa aragtay meydka ninkan oo dhulka yaalla isla markaana uu madaxa dhiig ka da’aayo.
Kooxahan abaabulan ee la aaminsan yahay inay dowladdu ka dambayso isla markaana muuqaallo laga duubay ay muujiyeen iyagoo si cad ula shaqeynaya booliska ayaa watay mootooyin, waxaanay ku qaylinayeen "dibad-bax ma jiro”, sida uu baahiyey telefishinka maxaliga ah ee NTV.
Waxa loogu yeero Amnesty International qeybteeda Kenya ayaa cambaareysay falkan, waxaanay kooxahan abaabulan ku tilmaantay maleeshiyaad ay adeegsanayso dowladda Kenya.
Waxanay Amnesty sheegtay in maleeshiyaadkani ay sii hurinayaan iska hor’imaadka isla markaana ay horseed u noqonayaan shar-cidarro iyo fowdo hor leh.
Dhacdadan ayaa timid 9 cisho kadib geerida Albert Ojwang, oo ahaa 31 jir macalin iyo qoraa dhinaca baraha bulshada ah. Isagoo dhintay labo maalmood uun kadib markii xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay inuu wax ka sheegay Eliud Lagat oo ah taliye ku-xigeenka booliska Kenya.
Taliye-xigeenka booliska ayaa maalinimadii shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, kadib fadeexadda kasoo waajahday kiiska ninkan lagu dhex dilay xabsiga, kaas oo sababay mudaharaadyo ballaaran oo muujinayay walaaca laga qabo tacaddiyada booliska.
Bilayska ayaa markii hore sheegay in Ojwang uu u dhintay dhaawac iskiis ah, balse baaritaan lagu sameeyey maydkiisa kadib la ogaaday in isagu aanu is dilin, balse askartu ay dishay iyadoo kiiskaas loo xiray labo askari.
Xaaladda magaalada Nayroobi ayaa lagu soo warramayaa in weli ay kacsantahay, iyadoo ganacsiyada badankooda ee bartamaha magaaladu ay xidhan yihiin, waxaana waddooyinka ka muuqda dad aad uga yar intii caadiga ahayd.
Kooxaha inay u dhaqdhaqaaqaan xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dad ka badan 60 qof ay dileen ciidamada ammaanku sanadkii hore intii lagu jiray mudaaharaadyo socday bilihii June iyo July ee looga soo horjeeday meel-marinta sharci ay dowladdu rabtay in ay ku kordhiso cashuuraha.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: