Iiraan oo xabsiga u taxaabtay 700 oo ruux oo lagu eedeeyay basaasnimo 12 maalmood ee dagaalku socday.

Wednesday June 25, 2025 - 09:15:38
Liibaan Jeexoow
Dowladda Iiraan ayaa xabsiga u taxaabtey 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay Yuhuudda u jaasuusayeen 12 maalmood ee dagaalka.
Waxa intaas dheer in Iiraan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 10,000 oo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha ahayn ah, gudaha Dahraan.

Xogtan ayaa Telefishanka Aljazeera ka soo xigtay warbaahinta Nuur News ee laga leeyahay Iiraan.

Tan iyo bilowgii dagaalka waxa soo muuqanayey in sirdoonka Yuhuuddu aad u dhexgalay Iiraan, waxa la dilay saraakiishii ugu sarraysay Ciidanka Qalabka sida ee Xukuumadda Dahraan iyo waliba saynisyahanno.

Xilli ka sii horraysay waxa la dilay hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya oo ku sugan caasimadda Iiraan.

Dagaalka ayaa istaagay xilli wararku sheegayaan in hoggaamiyaha ugu sarreeya Iiraan Khamani uu sii magacaabey laba qof oo xilka uga sii dambayn doona haddii la dilo.

Mareykanka iyo Yuhuudda ayaa horey uga dhawaajiyey in ay ogyihiin goobta uu ku sugan yahay Khamane balse aanay wali rabin dilkiisa.

Si kastaba ha ahaatee waxa iska caddayd in Sahaayinadu dad ku dhex beerteen Xukuumadda Dahraan.

Related Items

Update cookies preferences