Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in jihaadiyiinta AL-Shabaab ay hawl-gal qarax ka fuliyeen duleedka magaallada Baydhabo.
Weerarkan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan lagu beegsaday ciidamada dawladda Xabashida Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 2 askari oo Itoobiyaan ah, mid kalena lagu dhaawacay.
Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya xilli dardar xooggan ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka wadaan guud ahaan gayiga Soomaaliya, lana filayo in dhawaan ay la wareegaan caasimadda Muqdisho.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
Telegram: https://t.me/+RVmGomVe9UA3ZWZk
Telegram: https://t.me/+OkgTBd09JWRmYTk8