Maalmihii lagu sheegay in gumeysigu ka kacey Hargeysa iyo Jabbuuti oo laga xusay dhulka Soomaalida.

Saturday June 28, 2025 - 10:48:30
Liibaan Jeexoow
Bishan aynu ku jirno dabayaaqadeeda ayaa ku beegan maalmihii la yiri gumeystayaasha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ka baxay xarumahoodii Hargeysa iyo Jabbuuti isla markaana ku wareejiyeen madaxdii Soomaalida ee iyaga u shaqayn jirtey.
Somaliland waxay kaga tageen Baarlamaan ka kooban 33 xubnood iyo 3 xisbi oo lakala oran jirey NUF, SPU iyo SNL kuwaas oo dhammaantood isku raacey in ay la midoobaan maamulkii Talyaanigu ka kacay 1 Julaay, 1960.

Hargeysa ayaa noqotey meeshii koowaad ee laga tagey calan Soomaalidu leedahay oo "xor” ah 26 Juun, 1960 halka Jabbuuti calankeeda la taagey 17sano ka dib oo ahayd 27 Juun, 1977.

Labadii maalmood ee ina dhaafey ayaa dhulalka Soomaalida sida Jabbuuti, Hargeysa, Muqdisho iyo maamul goboleedka Galmudug siyaabo kala duwan looga xusay 26 iyo 27 Juun.

65 ama 48 sano ka dib waxa lays weydiinayaa wali Soomaalidu ma heshay madax ka turjumaya rabitaankooda iyo ku dhaqanka shareecada oo la dayacay.

Related Items

Update cookies preferences