In ka badan 200 oo qof oo Iiraaniyiin ah oo ku naf-waayey duqaymaha Yahuudda.

Monday June 16, 2025 - 15:05:18
Liibaan Jeexoow
Wasaaradda Caafimaadka dowladda shiicada Iiraan ayaa Isniinta maanta shaacisay in ay kor u kaceen dhimashada iyo dhaawacyada ay sababeen duqaymaha Yuhuuddu.
Wasaaradda ayaa xaqiijisay 224qof in ay dhinteen halka in kabadan 1000 ruux dhaawacmeen intii dagaalku bilaabmay.

Dr Xuseen Karamanbuur oo ah madaxa Arrimaha Bulshada iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Caafimaadka oo qoraal ku baahiyey Baraha Bulshada ayaa tibaaxay in isugeyn tirada dadka dhintey iyo ku dhaawacmay ay gaarayaan 1481 kuwaas oo 1277 kamid ah xaaladdooda lagula tacaalayo cusbitallada.

Dr Xuseen waxa uu ka dhawaajiyey 90% in dhaawacyada la diwaangaliyey yihiin shacab.

Madaxa Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Caafimaadku waxa uu intaa raaciyey in dadka waxyeelloobay ay kamid yihiin dumar iyo carruur.

Dagaalka labada dhinac ayaa wali soconaya iyada oo dhanka kale ay socdaan dalal sheegaya in ay wadaan dedaallo dhexdhexaadin ah.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaan u muuqan mid si hawlyar ku soo afjarmaya maaddaama oo ay Yuhuuddu rabto in meesha laga saaro "khatarta” Iiraan.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences