Wargeys Itoobiyaan ah oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer gudaha dalkaasi, ayaa faahfaahin ka bixiyey xiriirka ka dhaxeeya dedaalaallada uu Maraykanku horseedka ka yahay ee la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland iyo damaca marin-badeed ee Itoobiya.
The Reporter oo ah majallada todobaadle ah ayaa sheegtay in tallaabada uu Maraykanku doonayo inuu ku aqoonsado Somaliland ay ka dhalan doonto natiijo fiican oo dhabbaha u xaaraysa hir-gelinta damaca badeed ee Itoobiya.
Wargeyskan Itoobiyaanka ah ayaa sidan ku sheegay warbixin uu shalay daabacay, isagoo ka dhawaajiyey in dalka Itoobiya uu rajeynayo in marinka cidhiidhiga ah ee ku teedsan xeebta woqooyi ee Somaliland uu noqon karo marin-badeedkii ay muddada dheer ku taamayeen. Waxaanu The Reporter soo bandhigay khariidad uu ku muujiyey aagga Itoobiya ay damacsan tahay in xeebta ay ka gasho, oo geesta waqooyi-bari kaga beegan magaalada Hargeysa.
Qaar ka mid ah aqoonyahnnada siyaasadda arrimaha dibedda oo la hadlay wargeyska The Reporter ayaa ku doodaya in haddii mid ka mida quwadaha waaweyn sida Maraykanka oo kale uu ku hor-maro aqoonsiga Somaliland ay Itoobiyana u fududaan doonto inay si diblomaasiyadeed u raacdo.
Iyadoo doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland ay sii xoogeysanayaan ayaa falanqeeyayashanl la hadlay The Reporter waxay hoosta ka xariiqeen micnaha ay tallaabadani uga dhigan tahay hamiga gobolka ee Itoobiya gaar ahaan gelidda Badda Cas.
Cilmi-baare fadhigiisu yahay Nairobi ayaa wageyskan u xaqiijiyey in dhaqdhaqaaqa aqoonsiga Somaliland ee Maraykanku aanu ahayn wax cusub balse uu soo jiray tan iyo markii Itoobiya muujisay damaceeda badeed ee Janaayo 2024 oo heshiis is-afgarad kala saxeexdeen Abiy Axmed iyo madaxii hore ee maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Dadka qaar ayuu wargeysku sheegay in dooddoodu ay tahay in aqoonsi kaliya uusan wax weyn ka bedelayn ganacsiga Itoobiya ee dhinaca Badda iyo faa’iidooyinka mustaqbal ee fog haddii aan la taageero la helin kaabayal adag iyo sharciyad caalami ah.
Aqoonyahan ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa ayaa isagoo wargeyska la hadlaya ku nuuxnuuxsaday in danta ugu weyn ee Itoobiya laga yaabo in aysan ahayn helista marin-badeed ganacsi, balse ay tahay in la sameeyo saldhig ciidan oo dhinaca Badda ah, si Itoobiya u soo ceshato awooddeedii badeed ee ka maqnayd tan iyo horraantii 1990-kii.
"Arrinta ciidan badeedku waa mid aad u muhiim ah. Haddii dal kale marka hore aqoonsado Somaliland, waxay yareynaysaa culeyska diblomaasiyadeed ee Itoobiya la kulmi lahayd, haddii ay isku daydo inay ka dhisto kaabayaal ciidan dhul ajnabi ah,” ayuu yiri aqoonyahankan ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa.
The Reporter oo waraystay cilmi-baare jooga Nairobi ayaa sheegay in iyada oo Itoobiya doonaysa inay si rasmi ah u dhaqan-geliso heshiiskii ay kula jirtay Hargeysa uu hakad ku yimi bishii Novermber kadib markii Somaliland gashay marxalad doorasho iyo isbedel dowladeed.
Aqoonyahankani waxa uu ku dooday in marka la eego heshiiskii is-afgaradka, Addis Ababa aanay u muuqan mid ku qanacsan heshiis kiro ah oo laga leeyahay xeebta Berbera oo kaliya, balse ay sidoo kale rabto in ay gacanta ku dhigto dekedda Casab ee ku taalla koonfur-bari Eratariya.
"Itoobiya waxa ay doonaysay in ay gaadho hal hadaf oo muhiim ah iyada oo loo marayo is-afgaradka, taas oo ah in laga dhigo su'aasha gelitaanka badda ajande caalami ah, laakiin bartilmaameedka ugu dambeeya ayaa u muuqda in uu yahay in la helo marin joogto ah oo ay ku martigeliso ciidamadeeda Badda, taasna waxa ay u muuqataa in ay diiradda ay saarayso dekedda Cassab” ayuu yiri falanqeeyahan ku sugan magaalada Nairobi.
Macallinkan ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa ayaa arrintaasi ku waafaqsan aqoonyahanka Nairobi, sida uu sheegay Wargeyska The Reporter, isagoo intaa raaciyey in fal-celinta qaaradda Afrika aan la filan karin inay noqon doonto mid sahlan sida tan caalamka intiisa kale.
Waxa kale oo aqoonyahankani ku dooday maadaama uu Maraykanku yahay jilaa fog oo fulinaya danahiisa istaraatiijiyadeed lagana yaabo inuu horey ugu socdo aqoonsiga Somaliland, suuro-galna ay tahay in Yahuudda iyo dalal kaleba ay ku raacaan. balse waxaa is-waydiin mudan ayuu yiri, waddamada Afrika ma la jaan-qaadi doonaan mowqifka Mareykanka?
"Mid ka mid ah ballanqaadyada sharciga ah ee Midowga Afrika waa aqoonsiga iyo ilaalinta xuduudaha xilligii gumeysiga. Laakiin, haddii aan dooddaasi si waafi ah loo horumarin, waxaa suuragal ah in Itoobiya ay wajahdo cadaadis weyn iyo falcelin xooggan, haddii ay raacdo Maraykanka oo ay aqoonsato Somaliland iyadoo aan si taxaddar leh loo miisaamin dhinacyada gobolka iyo caalamkaba, taasoo ka iman karta dalalka Afrika iyo Carabta labadaba.” Ayuu yiri aqoonyahankani.
Cilmi-baareyaal kale oo uu ka mid yahay Daniel Worku, oo ah macalin iyo aqoonyahan ka tirsan jaamacadda Switzerland ee ETH Zurich kana mida jaamacadaha ugu faca weyn qaaradda Yurub ayaa wargeyska The Reporter u sheegay in Somaliland ay soo bandhigtay kiis gaar ah, oo leh dawlad shaqaynaysa, hey'ado ay ku sheegeen kuwo dimoqraadi ah, iyo taariikh xasilloon, hadana loo baahan yahay ol’ole ballaaran oo diblomaasiyadeed oo lagu muujinayo in ay tahay arrin gaar ah oo u qalanta in si gaar ah loo eego.
Aqoonyahannadu waxay ka digeen in iyadoo ol’olahaasi aan la dhaqan-gelin ay Itoobiya garab istaagto dowladaha doonaya inay aqoonsadaan Somaliland, sida Maraykanka oo kale, ay Itoobiya ka dhaxli karto fal-celin adag.
"Ictiraafka haddii aan la isku raacsanayn waxay sii kordhin kartaa go'doominta diblumaasiyadeed ee Itoobiya ee qaybo ka mid ah Afrika iyo Carabta, sababtaas awgeed waxaan leeyahay Itoobiya waa inaysan ku degdegin oo ay ka digtoonaato sidii ay u dammaanad qaadi lahayd danaha qarankeeda," ayuu yiri Proff Daniel Worku.
Falanqeeyayaal uu soo xigtay wargeysku ayaa sidoo kale sheegaya in aqoonsi ka yimaada Maraykanka uu kicin karo tallaabooyin is barbar socda oo ay qaadaan xulafadiisa dhow, gaar ahaan Yahuudda, marka loo eego xiriirkeeda sii kordhaya ee bariga Afrika. Waxaanay Somaliland noqon kartaa meel ay danahaasi isugu yimaaddaan.
"Tusaale ahaan, kooxaha sida Xuutiyiinta oo aaminsan in Yahuudda tahay cadowga koowaad, waxaa laga yaabaa in Somaliland ay u arkaan inay tahay bartilmaameed cusub, gaar ahaan haddii la xaqiijiyo in ay marti-gelinayso kaabayaasha millateri ee Yahuudda ama Maraykanka," ayuu yiri aqoonyahan la hadlay wargeyska The Reporter.
Xeel-dheerayaashan siyaasadeed ee la hadlay The Reporter ayuu wargeysku sheegay inay isku raacsan yihin inkastoo Hargeysa isku muujinayso inay tahay lamaane xasilloon oo la isku halleyn karo, ay hadana tahay in Addis Ababa si taxaddar leh ula jaan-qaaddo. isla markaana dedaalkeeda marin-badeedkuna uu ku salaysnaado midnimo goboleed iyo suurtagalnimada kaabayaal lagu tiirsanaan karo, iyo weliba aragti diblomaasiyadeed oo fog.