Atlantic Council oo ah hey'ad qaabilsan cil-baarista iyo talo-bixinta, oo fadhigeedu yahay caasimadda Maraykanka ee Washington D.C, ayaa daboolka ka qaadday in maamulka Trump uu ka fekeraayo dhimista joogitaanka Mareykanka ee dalka Soomaaliya.
Go’aankan ayay hey’addu ku sifaysay mid suuro-gal ah, kaas oo ay sheegtay in meelaha uu saamayn doono ay ka mid tahay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo la filayo in gabi ahaanba albaabada loo laabo.
Warbixintu waxay xustay in tallaabooyinkani ay kusoo aadayaan xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab ku tallaabsanayaan horumarro aad u ballaaran isla markaana ay si weyn u wiiqantay awoodda kooxda Villa Somaliya.
Atlantic Council waxay sheegtay in xoogagga Al-Shabaab ay yihiin awood ciidan oo aan la iska indho tiri karin, saamayn xoogganna ku leh bariga Afrika, isla markaana fulin kara hawl-gallo adag, sidoo kalena qabsan kara dhul ballaaran.
Warbixintu waxa kale oo ay ka sanqarisay in jihaadiyiintu ay laf dhuun gashay ku noqdeen amniga labada kooxood ee shisheeyaha kusoo duullay Soomaaliya iyo qawsaarrada ay ku adeegtaan ee DF Soomaaliya.
Hey’addu waxay ka dhawaajisay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay horey u fuliyeen weerarro dhaliyey dhimasho aad u fara badan oo ay ka mid yihii ayay tiri kuwii ka dhacay Kenya iyo Uganda iyo sidoo kale saldhiggii ciidamada Maraykanka ee Manda Bay.
Werwerka iyo walaaca ay muujisay hey’adda Atlantic Council waxay qayb ka tahay qaylo-dhaanno caalamiya oo soo yeerayay tan iyo intii Jihaadiyiinta Al-Shabaab ay horumarrada ballaaran ka sameeyeen gobollada Shabeellaha dhexe, Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACEBOOK