DARAASAD CUSUB: 3,500 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya.

Thursday June 05, 2025 - 18:15:14
Liibaan Jeexoow
The Institute for Security Studies (ISS) oo ah hey'ad ka shaqaysa Afrika soona saarta daraasado madax-bannaan ayaa shaaca ka qaadday in dalka Soomaaliya uu gumaysi ku jiro tan iyo markii ay kusoo duulleen ciidamada shisheeye.
Daraasad ay hey’addani soo saartay maalinnimadii shalay ayay ku sheegtay in madaxbannaanida Soomaaliya laga tanaasulay kadib markii kooxda Villa Somaliya ay qalinka ku duugtay heshiis albaabada u ballaqaya imaanshiyaha ciidamo ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Sidaas darteed waxay daraasaddu xustay in kooxda Villa Somaliya aanay xaq u lahayn eedayntii ay kala dul-dhaceen Ku-simaha Madaxa AUSSOM ninka lagu magacaabo Sivuyile Bam, kadib markii ay ka caroodeen warbixin uu bishii April ee sannadkan u gudbiyey UN-ka.

Bam oo sidoo kale ah ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa warbixintiisan ku faahfaahiyey caqabadaha dhinaca maal-gelinta iyo awoodaha ee haysata AUSSOM, iyo kororka weerarada jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Daraasaddu waxay ka markhaati-kacday dhibaatooyinkaasi uu ka dhawaajiyey Sivuyile Bam, waxaanay xustay in ay jiraan caqabado badan oo haysta ciidamada AUSSOM iyo weliba kororka awoodeed ee jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Machadka The Institute for Security Studies oo xiriir la leh UN, EU iyo Maraykanka ayaa daraasaddiisan ku sheegay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dhegta dhiigga u dareen ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika, muddadii ay duullaanka ku joogeen dalka Soomaaliya.

Daraasaddu waxay sheegtay in dhimashadaasi Soomaaliya kusoo gaartay ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Midowga Afrika ay tiro ahaan ku dhowdahay wadarta guud ee dhimashada dhammaan howlgalladii ciidamada Qaramada Midoobay ay caalamka ka fulinayeen muddo 75 sano ah.

Daraasadda ayaa kusoo aadaysa xilli ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaantu ay kala-carar ku jiraan isla markaana maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliyana ay bilaabeen inay tuutaha siibaan kana firxadaan furimaha dagaalka, kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay la wareegeen dhul baaxad leh isla markaana ay kulaalayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

Related Items

Update cookies preferences