Prof M. Xaaji Ingiriis oo sheegay in Gurguurte qarka u saaran yahay in uu baxsado sidii Bashar Al-Asad iyo Ashraf Ghani.

Saturday April 19, 2025 - 18:08:41
Liibaan Jeexoow
Tan iyo intii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay kordhiyeen hawl-gallada, waxaa isa soo taraaya rajo-beelka ay siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed ka muujinayaan kooxda Villa Somaliya ee gar-wadeenka uu ka yahay Xasan Gurguurte.
Maxamed Xaaji Ingiriis oo jaamacadaha dibadda wax ka dhiga ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Gurguurte iyo qoyskiisu ay qarka u saaran yihiin inay baxsadaan, sidii Ashraf Ghani iyo Bashar Al-asad oo kale.

Professor-ka oo qoraal kooban oo arrimahan uu kaga hadlayo soo dhigay bartiisa X, ayaa Gurguurte ugu baaqay inuu is-casilo inta aanay jihaadiyiinta Al-Shabaab go’doomin magaallada Muqdisho.

"Ka hor inta aanu qoyskiisa la baxsan, sidii Bashar Al-Asad iyo Ashraf Ghani , Xasan Sheekh waa inuu is-casilaa, inta aanay Al-Shabaab go'doomin Muqdisho.” Ayuu yiri Maxamed Xaaji Ingiriis.

Xaaji Ingiriis waxa kale oo uu ka sanqadhiyey in maleeshiyaadka Gurguurte ay si dhamaystiran u burbureen, kadib markii taliyahoodii ugu sarreeyey uu ka baxsaday furimaha dagaalka.

"Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si dhab ah u burburay kadib markii taliyihiisii guud uu lugihiisa ku cararay…” Ayuu yiri Professor-ku, isagoo ka hadlaya Odowaa Yuusuf Raage oo safka hore kaga jiray maleeshiyaadkii ka firxaday dagaalkii ka dhacay Aadan Yabaal.

"Ha iska indhatirin xaqiiqda hortaa taalla…” ayuu yiri Maxamed Xaaji Ingiriis mar kale Gurguurte dareensiinaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka Soomaaliya, isla markaana la filayo in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dhawaan la wareegaan Soomaaliya. 

Professor-ka oo ka mid ahaa dadkii sida weyn u taageersanaa Gurguurte ayaa digniintan soo saaray xilli maleeshiyaadka DF Somaliya laga qabsaday inta badan talisyadii ugu muhiimsanaa, oo ay ugu dambaysay degmada Aadan Yabaal.

Falanqeeyayaasha gudaha iyo kuwa caalamka intuba waxay saadaashoodu isugu biyo-shubatay in goor aan dheerayn ay jihaadiyiinta Al-Shabaab la wareegi doonaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:

FACBOOK




Related Items

Update cookies preferences