FAAH-FAAHIN: Ku dhawaad 50 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallo maanta ka dhacay Shabeellaha dhexe.

Wednesday April 09, 2025 - 13:23:18
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Shabeellooyinka ayaa sheegaya hawl-gallo xooggan oo lagu naafeeyey askarta maamulka Gurguure ee fadhigiisu yahay magaallada Muqdisho.
Sida aanu wararka ku helnay dagaallo dhowr jeer lagu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa maanta ka dhacay duleedka deggaanka Geel-gub ee gobolka Shabeella dhexe.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey dhimashada maleeshiyaadkaasi kasoo gaartay dagaalladaasi ay gaarayaan ugu yaraan 22 askari oo 13 ka mid ah meydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 21 kale oo ka tirsan askarta dawladda federaalka Soomaaliya lagu dhaawacay dagaalladaasi.

Firxadka haraadigii maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa inay u baxsadeen dhanka deggaanka Xaaji Cali.

Geesta kale guutada jugta culus ee dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa goor dhawayd weerar madaafiic ah ku qaaday saldhigyada maleeshiyaadka Gurguurte ee gudaha degmada Aadan Yabaal.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in uu jiro khasaare soo gaaray maleeshiyaadkii ku sugnaa saldhigyadaasi lagu beegsaday madaafiicda.

Jihaadiyiinta Al-Shabaab oo jiif iyo joogba u diiday shisheeye-kalkaalka ayaa sidoo kale weeraray maleeshiyaad ku sugnaa duleedka Aadan Yabaal.

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkaasi, kuwaas oo sida la sheegay maydadkooda looga cararay goobta dagaalka.

Dhinaca kale waxaa faahfaahin dheeriya laga helay dagaal habeen hore lagu miray xerada maleeshiyaadka Gurguurte ee deggaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka Gurguurte laga dhaawacay ugu yaraan 4 askari oo mid ka mida dhaawaciisu uu garaab yahay.

Related Items

Update cookies preferences