Kooxda TPLF oo ganafka ku dhufatay soo jeedintii Abiy Axmed.

Thursday March 27, 2025 - 13:56:59
Liibaan Jeexoow
Jabhadda TPLF gaar ahaan garabka Debretsion ayaa daadafeeyey baaqii Abiy Ahmed uu dadka ku nool gobolka Tigray kaga codsaday inay soo xushaan hoggaamiyaha ay ku kalsoon yihiin inuu noqdo madaxweynaha ku meel-gaadhka ah ee gobolkaasi.
Kooxdan ayaa ku doodaysa in tallaabada uu qaaday Abiy Axmed ay jabineyso heshiiskii lagu gaaray Pretoria, ee lagu joojiyey colaaddii dhiigga badan ku daatay ee dhex-martay dawladda dhexe ee Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Bayaan kasoo baxay garabka Debretsion ayaa lagu sheegay in dawladda Itoobiya ay muddo dheer ku hawlanayd daandaansi, cadaawad, iyo falal xasillooni-darriya oo khatar ku ah jiritaanka dadka Tigray-ga.

"Iyadoo ay jiraan xadgudubyadaasi, ayaa haddana dawladda Itoobiya isku dayaysaa in ay keligeed go'aamiso xaaladda maamulka ku-meel-gaarka ah ee gobolka Tigray, iyada oo soo xiganaysa sharciyo ka hor imanaya heshiiskii Pretoria…” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay TPLF.

Garabka Debretsion, waxa ay sheegeen in xafiiska Abiy Axmed uu sidoo kale ka dhawaajiyey in go’aan ka gaarista arrintani ay u taallo oo kaliya R/wasaaraha, taas oo ay ku tilmaameen been-abuur cad oo gabi ahaanba baal-marsan heshiiskii Pretoria oo aan la aqbali karin.

War-murtiyeedkan ayaa soo baxay saacado kadib markii shalay R/wasaare Abiy Axmed uu shaaciyey inuu bedelayo Getachew Reda, M/weynaha ku meel-gaarka ah ee Tigrey, isla markaana bulshada gobolkaasi ka codsaday inay kasoo talo-bixiyaan musharraxa ay rabaan.

FG: Kusoo biira Channelka Wararka SOMALIMEMO si aad u heshaan warar iyo warbixinno. https://t.me/+7f9417SiyVdlYzVk


Related Items

Update cookies preferences