Waxa la horgeeyay Baarlamaanka Turkiga heshiiskii Dowladda Federaalku la soo gashey dalkaas ee muddo la qarinayey.
Heshiiskan waxa Magaalada Istanbul ku kla saxiixday Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan iyo ka Shidaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar.
Sida laga arki karo dukumentiyada la horgeeyay Baarlamaanka Turkiga waxa Turkigu qaadanayaa faa’iidada laga heli shidaalka Soomaaliya 90% taas oo ka dhigan in ugu dhawaan gebi ahaanba uu wada qaadanayo waxa uu dalka ka helo halka Villa Somaliya helayso khidmad yar oo 5% ah.
Waxa kale oo heshiiska ku xusan in Turkigu xaq u leeyahay meeshii uu u dhoofin karo shidaalka isla markaana iyada oo aan cidina kula xisaabtamayn.
Waxa sidoo kale heshiiska kamid ah in aan Turkida wax lacag ah la weydiin wajiga ugu horreeya ee baarista shidaalka haddii dhanka kale wax khilaaf ahi yimaaddo waxa lagu xallinayaa Maxkamadaha Turkiga.
Taa beddelkeeda Turkigu wuxu sugi doonaa amniga meelaha laga qodayo shidaalka waxa aanu la dagaallami doonaa "Argagixisada iyo Burcad-badeedda”.
Xasan Sheekh waxa uu Soomaaliya u beddelay mashruuc uu ku tuugsado taas oo Soomaalida dib ugu celin karta wakhtigii gumeystaha ee 1960 ka horreysay.
FG: Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir:
TELEGRAM
FACEBOOK