Ciidmada AU oo lagu eedeeyey tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Wednesday March 19, 2025 - 08:31:46
Liibaan Jeexoow
The New Humanitarian oo ah hey'ad ewarbaahineed oo diiradda saarta arrimaha bani'aadamnimada iyo waxyeellooyinka dagaallada ayaa wax ka qortay qaybo ka mida tacaddiyadii ka dhanka ahaa shacabka Soomaaliyeed ee ay geysteen ciidamada shisheeye ee midowga Afrika.
Hawl-galkan cusub ee AUSSOM oo warbixintu sheegtay in uu wajahayo hubanti la’aan dhaqaalle ayaa gabbood-fallada xuquuqul insaanka kala siman, kuwii ka horreeyey ee AMISOM iyo ATMIS, sida ay shaacisay The New Humanitarian.

Faragelinta Midawga Afrika ee Soomaaliya oo socotay ku dhawaad labaatan sano ayay warbixintu sheegtay in qaar ka mid ah ciidamada Afrikaanta lagu eedeeyey xad-gudubyo ka dhan ah dadka shacabka ah oo ay ka mid yihiin dil, kufsi iyo duqaymo aan loo meel-dayin.

"Xad-gudubyadan ayaa abuuray caro qoto dheer oo inta badan dadka Soomaaliyeed ay u qabaan ciidamada shisheeye" ayuu yiri Jethro Norman, oo ah cilmi-baare ka tirsan machadka daraasaadka caalamiga ah ee Danish-ka.

Dhowr kiis oo caan ah ayaa ka yaabiyay shacabka Soomaaliyeed sannadihii la soo dhaafay ayay tiri warbixintu, waxaanay tusaale usoo qaadatay labo qof oo rayid ah oo ciidamda Uganda ay sanad ka hor ku gowraceen magaallada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose.

Xasuuqii ay ciidamada Uganda u geysteen 6 qof oo shacab ah kadib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen isla markaana ay dab qabadsiiyeen gaari ay la socdeen oo Minibus ah oo maraayay meel u dhow degmada Qoryooley 2016-kii, ayay sidoo kale soo hadal-qaadday The New Humanatarian oo horey loo oran jiray IRIN News isla markaana hoos-tegi jirtay waxa loogu yeero Qaramada Midoobay.

Waxa kale oo warbixinta lagu xusay Todoba qof oo beeraley ahayd, oo uu ku jiray oday waayeel ahaa oo deggaannadaasi si weyn loo ixtiraamo oo 2021-kii lagu xasuuqay deggaanka Golweyn ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

Xogta ayaa sii faahfaahisay qaab aad u fool xun oo ciidamada shisheeye ay ula dhaqmeen maydadka dadkaasi abriyada ahaa ee ay laayeen, kuwaas oo maydadkoodii ay is kor saareen kadibna qarxiyeen, arrintaas oo noqotay mid aad looga xumaaday.

Hey'adda New Humanitarian ayaa wareysatay ku dhawaad toban qof, kuwaas oo dhamaantood sheegay in ehelladooda dhintay ay ahaayeen dhibanayaal u geeriyooday dil iyo garaacis ay u geysteen ciidamada shisheeye.

Dhammaan kiisaskii baaritaanka lagu sameeyey ayay hey’addani sheegtay in aanu jirin wax magdhow ah oo haba yaraatee la siiyay qoysaska dhibanayaasha ee ehelladoodii ay sida arxan-darrada ah u xasuuqeen ciidamada shisheeye ee midawga Afrika.

"AUSSOM waxay la mid tahay ATMIS iyo AMISOM. Magaca oo cusub mooyee, sida kale waa isku mid” ayuu yiri Cabdullaahi Saalax, oo sheegay in gaarigiisa la toogtay, lana xiray isaga iyo saddex nin oo kale, isla markaana ay jir-dileen askarta Midowga Afrika.

"Inta badan kiisaska xad-gudubyada ah ee ay geystaan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya waxay noqdeen kuwo aan lasoo sheegin oo aan sharci la hayn," ayuu yiri Daahir Maxamed Cali oo ah abukaate ka tirsan waxa loogu yeero hey’adda qareennada Heegan ee magaalada Muqdisho.

Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in dadka Soomaaliyeed ay ka aaminsan yihiin ciidamada shisheeye ee midowga Afrika in dhammaantood ay yihiin aalad ay iska leeyihiin, kuna adeegtaan dalalka Reer-galbeedku.

FG: Wixii warar ah ee deg-deg ah kala soco channel-ka SOMALIMEMO: https://t.me/+Cse3evQ1fh0yZTA0

Related Items

Update cookies preferences