Trump oo dalal ay Somaliya ku jirto ka mamnuucaya in dadkoodu ay u safraan Maraykanka.

Saturday March 15, 2025 - 12:01:21
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya ku daray liiska dalal la sheegay in dadkooda uu ka mamnuucayo inay u safraan Mareykanka sababa la xariira xaaladaha nabad-gelyo ee ka jira.
Guud ahaan dalalka uu Maraykanku qorshaynayo inuu wax ka beddelo dhaqdhaqaaqqooda socdaal waa 43 Dal, kuwaas oo uu u kala qaybiyey saddex Liis oo mid waliba uu wato astaan gooniya oo muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay xannibaadda la saaray.

Liiska Cas, oo ah liiska koowaad ayaa ka kooban 11 Waddan, kuwaas oo dadkooda uu si cad looga mamnuuci doono inay u socdaalaan dalka Mareykanka. Waxaana ka mida Soomaaliya, Suudaan, Suuriya, iyo Yemen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Maraykan ah.

Liiska Liinta/Orange-ka oo ah liiska labaad ayaa kooban 10 Waddan oo sida la sheegay socdaalkooda la xaddidi doono balse aan la jari doonin. Waxaana dalalkaasi ka mida Pakistan, Ruushka, Eretriya, iyo Tukuministaan.

Liiska Jaallaha oo ah liiska saddexaad ayaa ka kooban 22 Waddan, kuwaas oo xogtu ay sheegayso in la siin doono 60 maalmood si ay u nadiifiyaan ayaa la yiri cilladaha la dareemay, iyada oo loogu hanjabay haddii ay amarkaasi u hoggaansami waayaan in loo wareejin doono mid ka mida labada liis ee kale.

Dalalka ku jira Liisaskan oo qorshahoodu weli qabyo yahay ayay xogtu tibaaxsaa in ay mari doonaan dib u eegista saraakiisha safaaradaha, wasaaradda arrimaha dibadda iyo khubarada dhanka amniga ee waaxyaha kale iyo hay’adaha sirdoonka Mareykanka.

Wixii intaas ka dambeeya ayaa la sheegayaa in lasoo saari doono go’aanka kama dambeysta ah ee dalalka laga joojiyay inay u safraan Mareykanka iyo waddamada la kulmaya xaddidaadda, balse Soomaaliya ay iyadu ku jirta dalalka horeyba laga go’aamiyay inaysan dadkeedu soo geli karin gudaha Mareykanka, taasi oo ka dhigan ayaa la leeyahay in wax dib u eegis ah aan lagu sameyn doonin.

Horraantii bishan ayay ahayd markii Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ay soo saartay digniinno amni oo ku aaddan shaqaallaheeda, iyadoo dhammaan muwaadiniinteedana ka hor-joogsatay inay u safraan magaalada Muqdisho.

Go’aannadan sida isdaba joogga ah uga soo baxay dawladda Maraykanka ayaa kusoo aadaya xilli uu Soomaaliya ka socdo guluf xooggan oo xoogagga Al-Shabaab ay kula wareegeen deggaanno badan oo kulaalaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences