Maamulka iskii madax bannaanida ugu dhawaaqey ee Somaliland ayaa maanta soo saarey tirada ciidamada ee kor joogtayn doonta doorashada la filayo in ay ka qabsoonto maamulkaas 13 November, 2024 oo maalmo koobani ka hareen. Tirada loogu talo galey ayaa kor u dhaafaysa 5kun oo askari sida wararku sheegayaan.
Ciidamada Booliska ee maamulkaasi waxa ay tibaaxeen in tirada ciidamada ee ilaalinta sanduuqyada ay ugu talagaleen ay yihiin 2572 oo inta ugu badani ka howlgeli doonaan Hargeysa.
Halka ciidanka lagu sheego millateriga ee maamulkaas ay iyaguna tirada ay qorsheeyeen ku sheegeen 2629 askari oo badankoodu ka howlgeli doonaan Hargeysa. Isugeynta tirada ciidamada ee maamulku ugu talo galey doorashada ayaa noqonaysa 5201 askari.
Doorashada laga qaban doono SL waxa isku haleeli doona Muuse Biixi oo hadda maamulkaas hoggaamiya isla markaana musharrax ka ah Xisbiga Kulmiye, Cabdiraxmaan Cirro oo isna wata Xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharraxan Xisbiga Ucid.