Wasiir iska casilay xukuumadda Xamza Barre oo eedayn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sunday November 03, 2024 - 16:52:55
Liibaan Jeexoow
Iyadoo billaaw u ah khalalaasa siyaasadeed oo ay gorodda lagashay dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu wasiirkii ugu horreeyay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Xamza Cabdi Barre.
Cabdirashiid Jire Qalinle oo ahaa wasiiru dowladaha wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga dhaqaalaha ayaa shaaciyay in uu iska casilay kamid ahaanshiyaha xukuumadda isagoona eedaymo culus jeediyay.

Wasiirka shaqada isaga tagay ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Gurguurte in uu ku dhaqaaqay siyaasado khaldan islamarkaana uu isku bedelay kaligii talis doonayo in uu kala dhaxntaalo wax uu ugu yeeray dowladnimada.

"Kadib markii aan arkay in xukuumadda loogu yeero Dan Qaran ay isku bedeshay dan kooxeed ayna dalka ujihaysay waddo burbur ah ayaan go'aansaday in aan iska casilo xilkii wasiirnimo ee aan hayay"ayuu yiri Cabdirashiid Jire Qalinle.

Eedaymaha culus ee uu wasiirkan iscasilay jeediyay waxaa kamid ah in Xasan Gurguurte uu ku fashilmay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab islamarkaana hub ay dowlado shisheeye ugu deeqeen ciidanka DF-ka uu ku hubeeyay maleeshiyo beeleed gaar ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Xasan Gurguurte uu caddeystay muddo kororsi islamarkaana uu siyaasadda dibadda uga saaray maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Iscasilaadda wasiiru dowlihii wasaaradda Qorshaynta ayaa kusoo aadaysa xilli siyaasiyiinta Mucaaradka ah kasoo horjeesteen damaca madaxweyne Xasan ee ah in laqabto doorasho qof iyo cod ah arrinkaas oo ay ku tilmaameen riyo maalmeed aan marnaba suurageli doonin

Related Items

Update cookies preferences