Taliyaha booliska Somaliland oo lagu eedeeyey dambiyo ka dhan ah shacabka iyo axsaabta mucaaradka.

Monday October 28, 2024 - 12:19:53
Liibaan Jeexoow
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) ayaa lagu eedeeyey in aanu dhex ka ahayn xisbiyada iyo ururrada ku tartamaya doorashooyinka Somaliland.
Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) oo ka mida saraakiisha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa taliyaha booliska ku eedeeyey inuu taageersan yahay xisbul-xaakimka KULMIYE, isla markaana lid ku yahay danaha xisbiyada iyo ururrada kale.

Taliyaha booliska Somaliland ayaa dhanka kalena lagu eedeeyey in uu warbaahinta la hor-yimi beer-abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ku sheegayo in uu tallaabo ka qaaday dhalinyaro KULMIYE ah oo dhib gaadhsiisay xisbiga WADDANI.

Mar uu ka hadlayay Ismaaciil-yare heerka aqooneed ee taliyaha booliska waxa uu yidhi "Nasiib-darro wuxuu noqday nin aan aqoonba lahayn, tu bilaysna aan lahayn tu aqooneed oo kalena aan lahayn oo ciidamada millateriga laga keenay, markaa mabuu ahayn-ba nin garanaya shaqadii bilayska".

Ismaaciil-yare ayaa sidoo kale wax ka iftiimiyey tacaddiyo iyo falal arxan-darro ah oo ay ciidanka boolisku u geysteen dadka shacabka ah tan iyo intii uu xilka hayay taliye Maxamed Saqadhi Daba-gale.

Mas’uulkan ka tirsan xisbiga WADDANI oo horeyna u soo noqday wasiirka daakhiliga ayaa ballan ku qaaday inay sharciga la tiigsan doonaan taliyaha ciidanka booliska, kuna oogi doonaan dambiyadii uu galay.

Labo taliye oo daadafeeyey eedaynta loo jeediyey taliyaha guud, ayuu Ismaaciil-yare iyagana ku sifeeyey inay yihiin beenaaleyaal runta baal-maray oo xaq-darro ku difaacaya taliyahooda.

Eedahan dul-hoganaya taliyaha ciidanka booliska maamulka la baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli meel xasaasiya uu maraayo ol’olaha doorashooyinka tartanka madaxtooyada iyo axsaabta oo qabsoomiddoodu ku muddaysan tahay 13/11/2024.

Related Items

Update cookies preferences