Mareykanka oo sheegay in ay korortay awoodda Al-Shabaab walaacna ka muujiyay bixitaanka ciidanka Xabashida ee Soomaaliya.

Wednesday October 16, 2024 - 17:22:14
Liibaan Jeexoow
Dowladaha reergalbeedka ayaa ka walaacsan in shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan shisheeyaha si ay dalkooda uga difaacdaan cadowga hororka ah.
Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay cabsi ballaaran ka qabto dadka ku biiraya sufuufta xarakada Al Shabaab kuwaas oo doonaya in ay xabashida Itoobiya dalkooda ka difaacdaan.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in mas'uuliyiin American ah ay muujiyeen walaaca ay ka qabaan taageerrada dheeraadka ah ee Al Shabaab ka heshay shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii uu Muuse Biixi dowladda Itoobiya u saxiixay qaadashada qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Mareykanka ayaa aamisan in kumanaan qof Soomaali ah ay ku biireen sufuufta Shabaabul Mujaahidiin iyagoo aaminsan in Shabaabku yihiin cidda kaliya ee Soomaalida ka difaacaysa shisheeyaha.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka waxay ka cabsi qabaan in isku dhaca siyaasadeed ee Muqdisho iyo Addis Ababa uu fursad weyn u noqdo Al Shabaab

Bishii Agoosto ee lasoo dhaafay dagaalyahanno jihaadiyiin ah ayaa weerar toos ah ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxaana ku dhintay 37 qof halka in k badan 210 qof ayaa ku dhaawacmeen.

Warbixinnadu waxay tilmaamayaan in Al-Shabaab ay ka faa'iidaysanayso suurta-galnimada ah in Itoobiya ay gacanta ku dhigto dhulka Soomaaliya si ay u qorto dhalinyarada Soomaaliyeed ee waddaniga ah, sida ay sheegeen saraakiisha Soomaaliyeed iyo reer galbeedka.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa soo xigtay warbixin bishii hore ka soo baxday Xarunta Ka-hortagga waxa loogu yeero Argagixisada ee West Point taas oo muujisay sida ay u soo karaar qaadanayso awoodda Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in haddii ciidamada Xabashida Itoobiya ay isaga baxaan magaalooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay u gacan-gelayaan Jihaadiyiinta Al Shabaab isagoo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka u arka kuwa taag-daran oo aan buuxin karin booska ciidamada shisheeye.

In ka badan 400 oo askari American ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah dagaalka Ashahaadda-la-dirinimo ee waddanka ka socda muddo 18 sano ah.

Related Items

Update cookies preferences