Weerarro Lagu Dhiig-bixiyey Ciidamada Kenya Iyo Nin Caddaan Ah Oo Lagu Dhaawacay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Wednesday October 16, 2024 - 14:28:47
Liibaan Jeexoow
Xog dheeraad ah oo kasoo korodhay madaafiic habeen hore xoogagga Al-Shabaab ku garaaceen garoonka diyaaradaha magaallada Baydhabo ayaa sheegaysa in uu ku dhaawacmay mid ka mida shaqaallaha caddaanka ah ee hey'adda la baxday qaramada midoobay.
Dhanka kale ciidamada Al-Shabaab waxay dagaal culus ku qaadeen xerooyin ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deggaanka 50-ka ee magaallada Wajeer, degmada Lafeey oo ka tisan deggaanka Mandheera iyo deggaannada sii hoos-taga ee kala ah Sheekh Barow, Dhamase iyo Fiinow oo dhamaantood ka wada tirsan dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Dagaalladan safka ballaadhana ayay wararku sheegayaan si weyn loogu dhiig-bixiyey ciidamada Kenya, intii uu socdayna ay xerooyinka qaarkood ku shuf-beeleen oo ay ku gubteen teendhooyinkii ay galayeen Kenyaanku ee halkaasi uga dhisnaa.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dagaalkii ka dhacay deggaanka Fiinow, kadib hadana xoogagga Al-Shabaab ay duleedka deggaankaasi jidka ugu galeen ciidamo Kenyaan ah, kuwaasoo goobtaana lagu gaadhsiyey khasaare culus.

Ilaa hadda inta laga hayo baaxadda khasaaraha gaadhay ciidamada Kenya, gaar ahaan wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaadha ayaa sheegaya in goobihii laga caydhiyey ciidamada Kenya ay kaga carareen 3 Bakhti oo isugu jira Sarkaal ciidan, Dhakhtar iyo Askari.

Waxa kale oo wararku intaasi ku darayaan inay jiraan 2 askari oo dhaawac ah. Waxaana dagaalkaasi lagu soo furtay 2 Qori, Hal Bistoolad iyo agab kale oo isugu jira kuwa ciidanka, waana hadba inta aanu ka helno xog sugan. Balse waxaa dhici karta in khasaarahu uu aad uga badan yahay inta aanu idiin sheegnay.

Weerarradan lagu dhiig-bixiyey ciidanka Kenya ayaa imanaya xilli dhawaan khubaro amni ay afka furteen una sheegeen Wargeyska Daily Nation in fuuq-bax dhaqaale iyo mid milleteriba ay dowladda Kenya kala kulmayso weerarada Al-Shabaab ee kusii fidaya gudaha dalkeeda tan iyo markii ay ku biirtay duullaanka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences