Al Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda qaraxyo askari badan ku dhinteen oo ka dhacday degmada Kaxda.

Sunday September 15, 2024 - 13:04:13
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qaraxyo xooggan oo ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Ugu yaraan 8 askari ayaa ku dhimatay qaraxyo is xigxigay oo degmada Kaxda lagula beegsaday ciidamada dowladda, goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay beegsadeen goob isku imaatin ciidan ah.

Al Shabaab oo war kasoo saartay qaraxyada ayaa sheegtay in 16 askari ay si xun ugu dhaawacmeen, guddoomiyaha degmada Kaxda ayaa isna xaqiijiyay qaraxyada isagoo si aad ah ucambaareeyay.


Related Items

Update cookies preferences