Kadib cadaadisyo maxalli ah oo uu lakulmay Joe Biden madaxweynaha Mareykanka ayuu iclaamiyay in uu isaga haray tartanka doorashada madaxtinimada wadankaasi.
Bide ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uusan Trump latartami doonin bisha November ee soo socota.
Biden oo aan sheegin sababta uu isku casilay ayaa ku faanay in isagoo ilaalinaya maslaxadda Mareykanka iyo midda xisbiga Dimuquraadiga uu go'aansaday in uu tartanka isaga haro.
Hoggaamiyaha cutushka ah ee Mareykanka ayaa taageero umuujiyay Kamala Harras oo ah ku xigeenkiisa, Donald Trump oo khudbad jeediyay saacado kadib iscasilaadii Biden ayaa sheegay in uu ka adkaan doono Kamala Harras oo uu ku sifeeyay mid aad ujilacsan.
Biden oo ah 81 sana jir ayaa bishii June ee lasoo dhaafay looga itaal roonaaday dooddii uu lagalay Trump ee uu qabtay telefeshinka CNN.
Doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa sanadkan noqon doonta mid aad u adag marka la eego kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo midda bulsho ee ka jira wadankan.