Anigoo jooga dalka UK ayaa waxaan qaatay halis, waxaan u bareeray inaan barqo cad u bakhoolo Soomaaliya iyo dhulka uu ka taliyo Al-Shabaab! Uma baxayo jacayl aan u qabo kooxda, mana doonayo xilligan inaan ku noolaado meel Soomaaliya kamid ah inta wadankeygu burbursan yahay, beesha caalamkana sidey doonto u falaajineyso. Waxaase i wada dardaarankii uu iiga tagay Aabahey Maxamad Cali oo geeriyooday 6 bilood kahor.
Dardaaranku wuxuu ahaa inaan soo barto reer u deganaa magaalada Jilib oo ka kooban Eeddo iyo 5 caruur ah oo nala dhashay.
Aabe dartiis ayaan sacrifice (nafhur) u sameynayaa, qorshahaygu wuxuu yahay inaan ka shaqeeyo sidii aan qoyskaas ku keeni lahaa wadankan Ingiriiska, Hooyo Faadumana waxay iga dalbanaysaa inaan safarka dib u dhigo, kana shaqeeyo in annaga oo qoyska weyn ah iyo bahda kale ee Eedo iyo caruurteeda aan ku kulanno Dubai, ama Riyaad ama Kuala Lumpur, intaas waxay u mareysaa kaliya sidii aan uga baaqsan lahaa halista ka jirta Soomaaliya, waayo maalin walba ayay warbaahinta kala socotaa wadankii oo ay dagaalo ka dhacayaan.
Dood dheer kadib hooyo iyo walaashey Salaado, waxaan ku qanciyey inay tixgeliyaan dareenka i wada iyo xanuunka geerida Aabe oo weli iga sii guuxaya, waxay isoo macsalaameeyeen iyagoo ii duceynaya, igana dalbanaya markaan Muqdisho ka dago inaan raacin bajaaj maadaama uu shilkeedu badan yahay, warbaahintana ay kala socdaan toogashooyinka ay ciidanka dowlada u geystaan bajaajleyda.
Maalinkaas waxaa ciida Carrafo iga xiga 6 maalmood oo kaliya. Eeddo Xabiibo Cali Buulle markaan u sheegay inaan soo safrayo waxay ila hadashiisay walaalaheey (caruurta yaryar ee Aabo ka tagay) waxay ii sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshahayga, aniguna waxaan u sheegay inaan ku faraxsanahay aragtidooda. Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaan kasoo dagay, Muqdisho ma ahan Muqdishadii iigu dambeysan 15 sano kahor, waxaa kusoo kordhay dhismayaal badan oo i farxad geliyay, waxaase dhanka kale soo kordhay ciriiri iyo rafaad.
Garoonka waxaa kugu silcinaya Eeyo iyo ciidamo isugu jira dharcad iyo kuwa labisan tuute, laaluushka, tuugsiga iyo indha xumada meesha taalla waad la yaabeysaa, markaad wadada kusoo dhacdo wey adagtahay inaad gaarto halkii aad rabtay iyadoo uusan darawalku ugu yaraan 5 jeer istaajin gaariga aad saaran tahay, mar waa lagu baarayaa, mar waxaa jidka loo banneynayaa gaadiidka ATMIS, mar madax ayaa loo xerayaa, markale waxaa hortaada isku rasaaseynaya ciidankii joogay bar koontaroolada iyo gaadiid ciidan oo dooanaya inay gudbaan. Iskuma qalmaan horumarka iiga muuqda magaalada iyo dhaqanka yaalla oo ah mid xakaar ah oo dhib badan. Muddo 23 daqiiqo ah ayuu gaarigu u socday inta u dhexeysa garoonka iyo isgoyska km4.
Waxaanse aad ugu farxay qaar kamid ah ardaydii aan kusoo wada barbaarnay xaafadda Ceelgarweyne oo aan wada casheynay, waxaa kale oo farxadeyda ka qeyb qaatay saaxiibo igu qaali ah oo aan ka wada baxnay iskuulkii sare ee Axmad Gurey oo aan wada daangeysanay. Marxaladda kuraynimada ayaa ah marxalad macaan oo xasuus gaar ah ku leh qof walba oo wanaag iyo barbaarin fiican kusoo qaatay.
Muqdisho laba cisho oo kaliya ayaan ku hoyday, waxaan u xiiso qabaa cuntadii wadanka gaar ahaan canjeeladii cajiinka laga sameyn jiray iyo cambuuladii aan ku casheyn jirnay oo hayd digirta dalka kasoo go’da, balse waxaan Xamar ugu tagay cuntooyinkii aan UK ku nacay oo dadku u arkaan mirihii jannada oo kale. Digaag Laatiin America iyo Yurub laga keenay, loogana cabsaday inay ku hallaabaan dalalkaas ayay dadkeenii cunayaan, ukun la bacramiyey oo aanan wax tayo ah lahayn ayey soo dhoofisteen, canjeeradiina waxaa badalay rooti haddaad maraq kulul ama shaah kulul ku shubtid sidii bac la shiilay u dhalaalaya oo dhandhanku ka tagayo, waan yaabay!.
Socdaalkeyga Jilib
Muqdisho waxaan kasoo dhaqaaqay anigoo yaaban, wey ii suurageli weysay inaan helo gaari ii khaas ah wadada oo roob ka da’ayay darteed, waxaan soo raacay gaari dadweyne, waxaan saaranahay kursi shirka, waxaan is weydiinyaa haddii Muqdisho ay sidaad aragtay noqotay, waa sidee dhulka ay ka taliyaan Al-Shabaab? Haddii aad kasoo badbaaday israsaaseyntii afaafka garoonka diyaaradaha Muqdisho, maxaad tollow Jilibna kala kulmi doontaan? Waxaan soo soconaba markii aan soo galnay xuduudda dhulka ay Al-Shabaab maamulaan oo aan Muqdisho wax badan u jirin, waan istaagnay si aan salaad u tukano, anigoo doonaya inaan wadada dhinaceeda ku weeyseysto ayaan dhinaceyga bidix waxaan si fudud uga arkay darawalkii gaariga oo sigaar la dhuumanaya xilli rakaabkii ay weeyso iyo xaajo gudasho kala aadeen, runtii aad ayaan u naxay, waxaan maqli jiray Al-Shabaab inay gubayaan gaarigii ay ku arkaan qaad iyo sigaar, darawalkii ayaan la hadlay, waxaan iri haddii laguugu arko sow gaariga lagaa gubi maayo walaal, maad iska dhaaftid. Wuxuu iigu jawaabay isagoo si hoose u hadlaya ‘hal mir ayaan watay wax kale iima dambeeyaan’ wuxuuna lasoo baxay caday si uu urta sigaarka isaga baabi’iyo.
Gaariga waxaa nala saarnaa dad qaarkood isgaranaya laakiin ma aysan sheekeysanayn kahor inta aan lasoo gaarin dhulka Al-Shabaab. Markii la isku tilmaamay calanka Al-Shabaab oo la hubsaday inuu isaga yahay lagana soo gudbay askarta dowladda, laba nin oo ceelasha isku soo salaamay kalase aamusnaa ayaa su’aalo isku boobay, illeen waa rag Al-Shabaab ku biiraya balse aan is ogeyn sida aan dib ka fahmi doono, mid ayaa yiri, war halkeed maanta u socotaa? Kii kale ayaa yiri wilaayaatka, wuxuuna u raaciyay adigana? Isna wuxuu ku jawaabay sidoo kale. Islamarkiiba labadoodu waxay cod dheer ku yiraahdeen (Allaahu akbar, Allaahu akbar) xabadka ayay is geliyeen gaariga oo dhaqaaqaya! Midkood ayaa telefoon kula hadlay rag ay shaqo kala dhaxaysay wuxuuna u sheegay inaan lagu tashan saacaddaan kadib, uuna ku biiray Al-Shabaab.
Xiisaha ka muuqda dadkaan ayaa anigana laabteyda jiifa, waana xiisaha u qabo caruurtii uu Aabahey ka tagay, kaliya waxaa ii dan ah inaan si nabad ah kusoo arko caruurtaas, mana ii sawirna sida xaalku noqon doono, igumana filna hal sawir oo qurxoon oo aan kusoo arkay koontaroolkii ugu horreeyay iyo askartii joogtay, hal askari ayaa gaariga soo ag istaagay, salaanta muslinka ayuu nagu salaamay, kadib darawalka ayuu laba su’aal weydiiyay, wuuna na fasaxay. Markaas waxaan niyadda iska iri, haddii Al-Shabaab oo dhan yihiin sida askartaan oo kale, wey guuleysteen, laakiin waa inaan hubsadaa.
Waxaan marnay laamiga dheer ee Muqdisho iyo Kismaayo, waxaan ku hakanay koontarool ku yaalla degaan lagu magacaabo Cali Farxaane halkaasoo lagu hubiyo gaadiidka lagana baaro sida ay darawaladu ii sheegeen muqaadaraadka iyo wax walba oo wax u dhibaya faayo qabka dadka. Waxaan ka cunteynay degaan lagu magacaabo Kuunyo Barrow, leerar ayaa ka ifaya, waxaan arkay dad qurxoon oo wajiyadoodu ifayaan, raggu gaar ayay u socdaan, dumarkuna gaar, arki meysid rag iyo dumar isgarbinaya, xilligu waa maqrib, carwooyinka waa la buuxaa, malaha waxaa laga iibsanayaa labiskii ciida, marna indhahayga kuma arkin askari hub wata.
Intaasi kadib waxaan sii wadanay safarkeena, waxaan la kowsaday mashruuc jidka lagu dhisayo oo ay wadaan Al-Shabaab, waxaan socono oo surinka heynaba waxaan gaarnay jilib kadib socdaal saacado kooban qaatay, Jilib waxay ila noqotay sida Muqdisho, Jilib maba ahan Jilib tii aan aqaanay, dhismayaal qurux badan iyo ganacsi horumarsan ayaa kusoo biiray walina wey sii dhismeysaa, waxaa magaaladan iigu dambeysay sannadkii 2004, Aabe oo beer ku haystay Sandariya ayaa mar dalxiis iyo qaraabo salaan noo keenay halkan. Aabahay aad ayuu u jeclaa magaaladan, waa halkii uu ku dhashay kuna soo barbaaray, wuxuuna ka shaqeyn jiray warshaddii weeneyd ee Mareerey.
Intaasi kadib waxaan sii wadanay safarkeena, waxaan la kowsaday mashruuc jidka lagu dhisayo oo ay wadaan Al-Shabaab, waxaan socono oo surinka heynaba waxaan gaarnay jilib kadib socdaal saacado kooban qaatay, Jilib waxay ila noqotay sida Muqdisho, Jilib maba ahan Jilib tii aan aqaanay, dhismayaal qurux badan iyo ganacsi horumarsan ayaa kusoo biiray walina wey sii dhismeysaa, waxaa magaaladan iigu dambeysay sannadkii 2004, Aabe oo beer ku haystay Sandariya ayaa mar dalxiis iyo qaraabo salaan noo keenay halkan. Aabahay aad ayuu u jeclaa magaaladan, waa halkii uu ku dhashay kuna soo barbaaray, wuxuuna ka shaqeyn jiray warshaddii weeneyd ee Mareerey.
Waxaa boosteejada magaalada iigu yimid Eedo Xabiibo iyo labo kamid ah caruurteeeda, aad ayaan isku marxabeynay, waxaan wada raaacay gaari ay soo kireeyeen oo noociisa yahay Succeed, waxaan tagnay guriga oo ku yaalla xaafadda Masaajidka Carabta, waa halkii uu Aabe na keenay 20 sano kahor. Caruurtii ayaan isbaranay oo wakhti fiican wada qaadanay si wacana u sheekeysanay.
Waxaa aad ii cajabiyay kobaca garaadkooda oo aan u tiiriyey bey’ada ay ku dhex nool yihiin iyo tarbiyada ay heystaan iyo waxbarashada tayada leh ee ay nasiibka u yeesheen, kahor inta aanan geerida aabe ka sabarsiin, una madax salaaxin, waxaa dhacday inay anigiiba I sabarsiinayaan, ina wacdinayaan. Ogow caruurtaas waxaa u weyn Sucdi oo 14 jir ah, farxad ayaan la ooyey runtii, waxayse u qaateen inaan geerida Aabe la oynayo, waxaan ku faraxsanahay heerkooda waxbarasho iyo tarbiyadooda. Eeddo ayaa waxay ii sheegtay in caruurtu ay u dhigtaan iskuul iyo dugsi labadaba, magaaladan iyo kuwa lamidka ah ee wadaadadu ka taliyaanna aan lagu gaarin waxbarashada iyo barbaarinta ubadka, waxay i tiri: "Dowlad wanaagsan ayaan heysanaa ee Allaha noo daayo kuwa inay dumiyaan doonayana illahay haka qabto” anigoon afka ka dhawaaqin baan niyada uga jawaabay oo aan iri: "Alleylehe kala duwan Muqdishadaad soo aragtay iyo magaaladan jiinka webiga saaran. Isla goobtii ayaan ku go’aansaday inaan caruurta halkooda u daayo oo aanan u kaxayn UK.
Ciidii ayaan kala qeyb galay, waxaan dalxiis u aadnay beeraha, baararka waaweyn ee magaalada ayaan ka wada casheynay, waxaa isoo jiitay dhaqanka bulshada iyo horumarka ganacsiga, waxaan yaqiinsaday in Soomaalidu ay aad u tarmeyso, maxaa yeelay dadka aan wadooyinka iyo tuulooyinka kusoo arkay iyo kuwa aan magaaladan ugu imid tira ahaan aad ayey u badan yihiin, intii aan joogay Jilib waxaan ka nastay music, buuq, iyo shaqooyinkii fara badnaa ee aan qaban jiray. Waxaan tabay oo kaliya kubad mana raadin meel lagu cayaaro, waayo caruurta inaan ka dhex baxo ma jecleyn.
Anigoo uu safarkayga ka dhiman yahay 3 maalmood ayaa waxaan nasiib u yeeshay inaan Jilib ka helo macallinkeygii iskuulka oo iigu dambeysay 15 sano kahor mar aan Muqdisho imid. Helitaanka macallinkeyga waxaa kasii xiiso badan qaabka aan ku helay. Xilli galab ah anigoo fadhiya meel hoos galbeed leh kuna cabaya shaah casiriye ah ayaa waxaan guri dariska ah oo ka sameysan jiingad ka maqlay cod aan u maleeyay qof aan aqaano, waxaan kasoo kacay barkintii aan ku santeecsanaa, ninkii markale ayuu telefoon ku hadlay laakiin qof haweeney ah oo aan u qaatay xaaskiisa ayaa waxay ugu yeereysaa naanees aanan ku aqoon, anigoo yaaban oo shakisan ayuu mar sadaxaad hadlay isagoo isticmaalaya halheys aan ku aqaanay oo ah (macnahaa adiga) markaas ayaa waxaan yaqiinsaday inuu yahay macallinkeygii.
Islamarkii intaan istaagay ayaa waxaan cod dheer ku dhahay Macallin Maxamad, Macallin Maxamad, waa Yaasiin Kuluu!! isaga iima soo jawaabin, wuxuuse si degdeg ah kusoo garaacay irridka halkaas ayaan isku salaannay oo isku ooynay runtii. Macallinka wuxuu kamid yahay Al-Shabaab kumana ogeyn dhabtii, isagana wuxuu i mooday inaan culumada kusoo biiray, waxaanse u sheegay ujeedka aan u joogo. Aad ayaan ugu farxay la kulanka macallinkeyga, waa qofka kaliya ee aan Jilib ka aqaano marka laga yimaado reerka aabahay, maalin dhan ayaan dalxiis iyo wada sheekeysi ku jirnay, gaarigiisa ayuuna nagu geynayay meel walba, waxaana is macsalaameynay annagoo xog badan kala helnay.
Natiijada safarkeygii Jilib waxay noqotay inaan soo gutay oofinta dardaarankii Aabe, soo qaatay mas’uuliyadda walaalahay, soona arkay macallinkeygii. Intaas waxaa ii dheer oo aan soo ogaaday inuu farqi weyn u dhaxeeyo xogta ay Western ka sheegaan Al-Shabaab iyo midda xaqiiqda ah ee taalla gudaha wadanka. Waxaan soo ogaaday Al-Shabaab wax walba oo ay ahaadaan iyo mabda’ walba oo ay wataan inay yihiin dowlad dhammeystiran, dhulka ay ka taliyaan dil kama dhaco, isbaaro kama jirto, hey’ado iyo NGO hisheeya ma joogaan, drugs-na lamaga isticmaalo.
Ugu dambeyntii waxaan leeyahay, intaas haddey Al-Shabaab keeneen maxay beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ku diidan yihiin, mise warba kama hayaan nimanka in Shabaabku yihiin dowladdaas aan soo arkay, aqoonyahanadeena maxaa ka hortaagan inay diraasad dhab ah ku sameeyaan Al-Shabaab iyo adeegyada ay bulshada u qabtaan? Maxaase kahor taagan iney isbarbardhig ku sameeyaan faa’iidada dowladnimo ee lagu qabo Al-Shabaab iyo tan maamullada kale ee dalka? Runtii aniga wax badan ayaa ii baxay, qofkii raba inuu xaqiiqda Al-Shabaab ogaado ama wax ka qorana waxaan kula talin lahaa inuu booqdo dhulka ay ka taliyaan.
WQ: Yuusuf Maxamad Cali
London, UK.