Dawlado Carbeed oo ay kamid yihiin Qadar, Masar, Sucuudiga, Kuweyt, Lubnaan iyi Immaaraatka ayaa shaaciyey in maalinta berri ah la dhammaystiri doono soddonka bisha Ramadaan maaddaama oo aan la arkin bishii.
Dalalkan ayaa iclaamiyey in maalinka ciidku ay noqon doonto Arbacada oo taariikhda miilaadigu ku beegan tahay 10 April, 2024.
Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa bilawgeedii dalalka Islaamku isku khilaafeen.
Maalin Isniin ah 11 Maarso ayaa ilaa 17 dawladood oo ay kamid yihiin Masar, Qadar, Turkey, Sucuudiga iyo Falastiin ay bilaabeen soonka bisha. Halka maalintii ku xigtey ee Salaasada ay bilaabeen soonka bisha dhowr dawladood oo ay kamid yihiin Sandaladda Cummaan, Liibiya, Urdun iyo Maqrib/Marroco.