Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Al-Shabaab Muqdisho la wareegi doonto bisha soo socota.

Monday April 07, 2025 - 15:12:26
Liibaan Jeexoow
Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Waqooyi/Somaliland ayaa ka dhawaajiyey in dhawaan ay Xarakada Alshabaab Caasimadda Muqdisho la wareegi doonto.
Faysal oo ka falceliyey warkii dhawaan soo baxay ee Reysal Wasaaraha Dowladda Federaalku uu ku imanayey Laascaanood ayaa bartiisa X ku daabacey in AS qabsan doonto Soomaaliya.

"Socdaalka Xamse ee Laascaanood wax qiimo ah maleh, Bisha May, 2025 horteed ayey Alshabaab la wareegaysaa Muqdisho” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waxa dhawaanahan isa soo tarayey walaaca ay Reergalbeedka iyo taageerayaashoodu ka qabaan in Soomaaliya isu beddesho Imaaro Islaami ah.

Dhawaan Wargeyska The Hill ee ka soo baxa Washington ayaa daabacey in Dowladda Federaalku ay qarka u saaran tahay in ay dunto hadday taasi dhacdona waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay noqon doonto meel Islaamku ka geli karo Geeska Afrika.

Dagaalka u dhexeeya DF iyo AS ayaa waji kale yeeshay ka dib markii deegaanno horey ay dowladdu gacanta ugu haysay ay la wareegeen jihaadiyiintu.

Isku soo wada duuboo sannadkan ayaa ka filayaa in isbeddello waaweyn ay ka dhacaan guud ahaan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences