Ilo wareedyo
ku dhow dhow Garsoorka Dalka Masar waxay sheegeen in Maxkamaddu ay Lix
eedeysane ku ridday 15 sano oo xarig ah, 11 eedeysane waxay ku ridday Seddax
Sano oo xarig ah, halka dhowr kalena lagu riday xukuno kala duwan oo xabsi ah,
kuwaas oo u dhaxeeya Seddax illaa Tobon Sano.
Ciidamada
Booliiska eeDalka Masar ayaa dadkani waxay soo qa qabteen horraantii Sanadkii
2014-kii, xilli ay ka qeyb qaadanayeen dibad baxyo ballaaran oo looga soo
horjeeday Afgembigii ka dhacay dalkaas, waxaana Maxkamaddu ay eedeysanayaashani
kusoo oogtay dacwado la xiriira inay kicinayeen qalalaase siyaasadeed iyo inay
ka qeyb qaateen dilka Askar ka tirsan Ciidamada Ammaanka oo la dilay intii ay
dibad baxyadaasi socdeen.
Maxkamaha Meliteri ee kuyaalla Dalka Masar ayaa horey sidan oo kale waxay xukunno ugu rideen Boqollaal ka tirsan taageerayaasha Ururka Ikhwaanul Muslimiin-ka ee dalkaasi, kuwaasi oo bartamihii Sanadkii 2013-kii guud ahaan Dalka Masar ka billaabay dibad baxyo waaweyn oo ay uga soo horjeedeen afgembigii ay ku kaceen Ciidamada Meliteriga, kadib markii ay tuureen Maamulkii uu hogaamiyaha ka ahaa Muxamed Mursi.
Sidoo kale Xabsiyada kuyaalla Dalka Masar waxaa ku jira Tobonaan ka tirsan hogaamiye-yaasha sar sare ee Maamulkii uu hoggaaminayay Muxamed Mursi, waxaana dhowr jeer Maxkamado Meliteri lasoo taagay hogaamiye-yaashaasi, iyadoona qaarkood lagu xakumay xukunno xabsi ah oo aad u dheer, halka qaar kalena lagu riday Xukunno dil toogasho ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]