Xukuumadda ka dhisan South Sudan ee xarunteedu tahay Jubba ayaa xabsiga u taxaabtey Madaxweyne ku Xigeenkii dalkaas Riek Machar.
Machar ayaa xafiiltan weyn oo siyaasadeed uu kala dhexeeyay Madaxweynaha takada dalkaasi haya Salva Kiir.
Wararka ayaa sheegaya in lagu wareeray guriga Madaxweyne ku Xigeenka oo ku yaal Jubba ilaa labaatan gaari oo gaashaaman. Xarigan waxa walaac ka muujiyey kuwa loogu yeero Qaramada Midoobey.
Dalalka Reergalbeedka iyo Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in ay bilaabeen in shaqaalaha safaaradahooda ay kala baxaan dalkaas.
Hawlgalka "Qaramada Midoobey” ee Koonfurta Suudaan oo marka lasoo gaabiyo loogu yeero UNMISS ayaa ku baaqay in dhinacyadu xaaladda dejiyaan.
South Sudan ayaa ah waddankii ugu dambeeyay ee aqoonsi caalami ah hela kaas oo madaxbannaanida ka qaatey Suudaantii Kelitaliye Cumar Albashiir xukumi jirey.
Dalka Koonfurta Suudaan waxa takada dalkaasi haya tan iyo maalintii uu madaxbannaanida qaatey Salva Kiir.
Kiir iyo Machar ayaa khilaafkoodu sidan oo kale u abuurey dagaal sokeeye oo dalkaa ka qarxey 2013.
Si kastaba ha ahaatee xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa xilli khilaaf daran oo siyaasadeed ka jiro dalkii ay mar midka ahaan jireen ee Suudaan halkaasi oo ay ku loollamayaan Ciidanka Dowladda iyo Jabhadda RSF.