Weerarro kala duwan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa laga soo sheegayaa gobollada Hiiraan, Laamu iyo Shabeellaha hoose.
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaallo tiraba saddex jeer lagu jebiyey maleeshiyaadka Guguurte oo saaka ka dhacay duleedka Maxaas.
Dagaalladan ayay wararku tibaaxayaan in khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka kaba-qaadka kooxda Villa Somaliya.
Jihaadiyiinta ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa dagaal culus ku qaaday xerada askarta Kenya ee deggaanka Basubo ee gobolka Lamu.
Wararka ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare, iyadoo muddadii uu dagaalkaasi socday uu dab xooggani ka kacay xerada ciidamada Kenya.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiintu ay la beegsadeen kolonyo ciidamo Afrikaan ah oo maraayay agagaarka deggaanka No.60.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxan oo haleelay gaari booyad ah uu geystay dhimashada ugu yaraan 1 askari oo Yugaandhiis ah iyo dhaawaca askari kale.
Wararka ayaa intaas ku daraaya in khasaaruhu uu intaas kasii badan karo, iyadoo gebi ahaanba uu basbeellay gaariga booyadda ah.