Jabhadda lagu magacaabo OLA ee dagaalka kula jirta dowladda xabashida ah ee Itoobiya, ayaa la sheegay inay la wareegtay deegaanno ay dagaallo culus ka socdeen muddo bilo ah oo ku yaal gobolka Benishangul-Gumuz.
Dad ku nool magaalooyinka Metekel iyo Kamashi ee dalka Itoobiya ayaa soo sheegaya in maleeshiyada jabhadda magaceeda loo soo gaabiyo (OLA) ay si deg deg isugu fidinayaan gobolkaasi, waxayna maleeshiyadan dhowr bilood ka hor deggaannadan kasoo galeen mandiqadda Wollega.
Ilo-wareedyo ayaa soo sheegay in deegaannada Metekel iyo Kamashi oo shan bilood ay ka taagnayd xaalad dagaal, ay si deg deg ah u qabsadeen oo gudaha u galeen deegaano badan.
Warar kale ayaa sheegaya in mid ka mid ah deegaannada ay la wareegeen OLA oo lagu magacaabo Debat ay ka dhaceen dilal, afduub dhac iyo kufsi ka dhan ah dadka deegaanka, waxay sidoo kale maleeshiyadan qabsadeen tuulo lagu magacaabo Berber.