Jabhadda Fano oo shaacisay khaarajinta saraakiil ka tirsan xisbiga Abiy Axmed ee Barwaaqo.

Sunday July 27, 2025 - 11:19:49
Liibaan Jeexoow
Jabhadda Fano ee ka hawl-gasha koonfurta Gonder oo ka tirsan gobolka Amxaarada ayaa shaaca ka qaadday in ay fulisay hawl-gal qorshaysan oo ay sheegtay inuu u dhacay sidii la rabay.
Ilo-wareedyo warbaahineed oo maxalliya ayaa hoggaamiyeyaasha Fano ee gobolkaasi kasoo xigtay in weerarkaasi uu xilli fiid ah ka dhacay deggaanka Woreta ee degmada Fogera.

Askari ka tirsan Jabhadda Fano ayay wararku sheegayaan in bam-gacmeed uu la beegsaday hoteel magaciisa lagu sheegay Mesere oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan dowladda oo heer gobol ah iyo taliyeyaal ciidan, sida ay sheegtay Ethio News.

Labo sarkaal oo ka tirsanaa xisbiga xukuumadda Abiy Axmed ee Barwaaqo ayaa lagu soo warramayaa in goobtaasi ay ku qur-baxeen, halka saraakiil kalena ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah.

Geesta kale, dagaal culus ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deggaanka Armachiho ee Waqooyiga Gondar, sida ay ku warrantay Ethio Focus news.

Ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa dhankooda Sabtidii shalay shaaciyey in xubno ka tirsan kooxda Fano ay isa soo dhiibeen, kuwaas oo ka hawl-geli jiray ayay yiraahdeen deggaanka Angolala Tera ee Waqooyiga Shao ee gobolka Amxaarada.

Waxaa fashil u muuqda duullaan uu dhowr bilood ka hor uu bilaabay nidaamka Abiy Axmed uu bilaabay oo uu ugu magac-daray "Hawl-galka Hirarka", kaas oo uu sheegay inuu kusoo afjarayo jabhadda Fano.

Maleeshiyaadka Fano ayaa maalmihii u dambeeyey soo saaray muuqaallo cusub kuwaas oo muujinaya saanad millateri iyo askar cusub oo ka tirsan ciidanka dowladda oo gacanta lagu dhigay.

Related Items

Update cookies preferences