FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerarro ka dhacay gobollada Baay, Wajeer iyo Mandheera.

Tuesday July 08, 2025 - 12:48:53
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya dhulka ku hoos-jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa sheegaya qarax culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah.
Kolonyadan ayay wararku tibaaxayaan in ay ku socdaalayeen inta u dhexaysa magaalooyinka Mandheera iyo Raama oo ka wada tirsan gobolka Mandheera.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Kooyal ah oo kolanyada qeyb ka ahaa, kaas oo gebi ahaanba burburay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askartii Kenyaanka ahayd ee la socotay.

Sidoo kale dagaalyahannada Al-Shabaab waxay fuliyeen hawl-gal qorshaysan oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deggaanka Qarso ee hoos-taga degmada Qorof Xaraar ee gobolka Wajeer oo ka tirsan deggaannada ku hoos-jira gumaysiga Kenya.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in howlgalkan lagu khaarajiyey Cadow Cali Buureey oo ahaa gudoomiyihii dowlada Kenya ugu magacownaa deggaankaasi, kaas oo jihaadiyiintu ay ka furteen qori AK47 ah.

Jihaadiyiintu waxay sidoo kale hawl-galkan ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Nuur Gaabis Cali kaasi oo la sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn jiray ciidanka Afduubka ee dowlada Kenya.

Labadan sarkaal ayay xogtu sheegaysaa in muddo badan jihaadiyiintu ay ku daba-jireen, kuwaas oo sida la xaqiijiyey dhibaato xooggan ku hayay shacabka muslimiinta ah ee ku nool deggaannadaasi.

Geesta kale, hawl-gal qarax ah oo lagu beegsaday guri uu deggenaa taliyaha maleeshiyaadka la baxay daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed ayay jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in qaraxaasi uu geystay khasaaraha gaari Cabdi Bile ah oo gebi ahaanba basbeellay, kaas oo sida la sheegay uu saarnaa qori dhashiike ah oo uu lahaa sarkaalka lagu bar-tilmaameedsaday hawl-galkan.

Related Items

Update cookies preferences